(Sawirro) Wasiirada A/dibeda Midowga Afrika oo ku shirsan Nairobi & Somalia oo..

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mudane, Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Nairobi uga qaybgalay shirka Wasiirrada arrimaha dibeda ee Midowga Afrika oo socon doona July 13-14.

“Waxaan shir guddoomiyay kulanka Guddiga Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Afrika ee Musharaxnimada Ururrada Caalamiga ah” ayuu yiri Wasiirka Abshir Cumar Jaamac.

In Soomaaliya loo doortay guddoomiyaha guddigan heer wasiir ee muhiimka ah iyo tartanka ay Soomaaliya ugu jirto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay waa caddeyn muujinaysa in ay Soomaaliya dib u hanatay kaalinta ku habboon ee fagaarayaasha caalamka.

Soomaaliya ayaa u taagan ka mid noqoshada Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay doorashada dhici doonta bisha Juun 2024.

Back To Top