Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Saraakiil dhimasho iyo dhaawac ku noqday

Qarax xooggan oo is-miidaamin ah uu fuliyay nin wax-yaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa galabta ka dhacay gudaha xerada saraakiisha ee kutaalla degmada Hodan, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan.

Sida aan wararka ku helnay nin boorso ku watay wax-yaabaha qarxa ayaa soo galay gudaha xerada, waxa uuna si gaar ah ninkaasi u beegsaday isuguna qarxiyay goob ay inta badan la isugu yimaado ayna fariistaan saraakiisha, ciidamada iyo dadka xerada degan.

Qaraxa ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray shacab ,saraakil iyo ciidan, waxaa sidoo kale qaraxan ka dhashay khasaaro dhaawacyo kala duwan ,kuwaa oo loola carary xarumo caafimaad.

Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ku jira Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle) oo katirsanaa saraakiisha ciidanka dowladda, waxa uu sidoo kale soo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shebeellada Hoose.

Qaraxa waxaa sidoo kale dhaawac uu kasoo gaaray Jeneraal Qaanso oo katirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka, waxaa sidoo kale jira saraakiil kale oo iyana qaraxa dhaawacyo kasoo gaareen.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali faah faahin ka bixin qaraxan khasaaraha dhaliyay ee galabta ka dhacay gudaha xerada Saraakiisha oo ku kasoo horjeeda xarunta wasaaradda gaashaandhigga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

Back To Top