Qarax goordhaw ka dhacay gudaha Xero ay degan yihiin Saraakiil oo kutaalla Muqdisho

Qarax xooggan oo ismiimiidaamin ah ayaa goordhaw ka dhacay gudaha xerada saraakiisha ee ku dhaw wasaaradda gaashaandhigga, qaraxan ayaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa waxaa fuliyay nin boorso ku watay wax-yaabaha qarxa, waxa uuna si gaar ah u beegsaday  goob lagu shaaho oo saraakiisha iyo ciidanka isugu yimaadaan oo kutaalla gudaha xerada saraakiisha, .

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shaca  ah , askar iyo saraakiil, waxaa sidoo kale goobta laga daad-gureeyay dad badan oo dhaawacyo culus qaba.

Ciidamo ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi gaaraya gaadiidka gurmadka deg dega oo goobta ka qaadaya dhaawacyada dadka dhintay iyo waliba dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Ninka is qarxiyay ayaa wararku sheegayaan in uu kasoo galay waddo kutaalla dhinaca Shineemo Shiirkole, waxaana hadda socda baaritaano ku aadan qaraxan ay wadaan ciidanka dowladda.

Waxii Soo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

Back To Top