Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday gudaha Kenya kuna gubtay Gaadiid iyo Anteeno

Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus xalay ku qaaday deegaan katirsan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal sida dadka deegaanka sheegeen.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Kenya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ay la wareegeen xeradii ciidanka Kenya kaga sugnaayeen deegaanka Warguduud.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in weerarka ku qabsadeen gaadiid ay ka carareen ciidamada Kenya , sidoo kale gubeen gaadiid kale, waxa ayna Al Shabaab weerarkan ka sheegteen guulo.

Kooxda Al Shabaab ee weerarka ku qaaday deegaankan hoostaga degmada Mandheera ayaa bur buriyay anteeno deegaankaasi ku laheyd shirkadda isgaarsiinta ugu weyn dalka Kenya ee Safaricom.

Dowladda Kenya ayaan war rasmi ah kasoo saarin weerarkan Al Shabaab ka geesteen gudaha Kenya, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli ay kooxdan maalmihii lasoo dhaafay kordhiyeen weerarada ay ka geestaan gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

 

Back To Top