Museveni oo Madaxweyne hore ku eedeeyey inuu gabaad siiyo kooxda Daacish

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Joseph Kabila, in uu gabbaad siiyay maleeshiyada Daacish, una ogolaaday in ay ka faa’iideystaan macdanta iyo alwaaxda, ayna dhaqaalaha ay ka heleen u adeegsadeen inay ku dhisaan awooddooda.

Jabhad horey fadhigeedu u ahaa Uganda, Allied Democratic Forces (ADF), oo baayaco la gashay Daacish 2019, ayaa muddo sanado ah ka howl-galeysay kaymaha dalka deriska ah ee Congo, ayada oo fulineysa dilal ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo shacabka.

Bishii tagtay, dagaal-yahannada kooxda ayaa usoo gudbay xuduudda Uganda, waxayna weerareen iskuul ayaga oo xasuuqa 42 qof, oo badankood ahaa caruur. Qaarkood ayaa nolosha lagu gubay.

Museveni ayaa weerarka kusoo hadal qaaday khudbad uu jeediyey Khamiistii, wuxuuna sheegay in ADF ay awood u yeelatay inay is ballaariso oo saldhigyo ay ka sameysato bariga Congo, xilligii dowladdii Kabila.

“Dowladda Uganda ee mudane Kabila, oo ay taageerayaan jilayeel gobolka iyo dibedda ah, ayaa deganaansho bilaash ah ku siisay Waqooyiga Kivu iyo Ituri,” ayuu yiri Museveni oo tixraacaya gobollo ka mid ah Congo.

“Waxay qodayeen macdanta, iibinayeen alwaaxda, guranayeen miraha qaxwada, ururinayeen canshuurta, lacag baad ah ka qaadanayeen dadka, iwm. Si tartiib ay u korayeen ayaga oo lacag haysta.”

Kabila ayaa ahaa madaxweynaha Congo 2001 illaa 2019.

Sanaddii 2021, Uganda oo fasax ka haysata hoggaamiyaha Congo, Felix Tshisekedi, ayaa howlgal militari la billowday ciidamada Congo si la isugu dayo in laga adkaado maleeshiyada.

Howlgalka, ayuu yiri Museveni, wuxuu si guul leh u burburiyey inta badan xeryihii ADF islamarkaana mucaaradka ayaa u kala jabay kooxo yar yar oo ay adag tahay in la qabto, kuwaas oo si dhuumasho ah kusoo gala Uganda kana fuliya weeraro ka dhan ah shacabka.

“Si deg deg ah ayaan u wiiqnay awooddooda waxaana hadda … ay u qaxeen meel ka baxsan xadka ay nooga suu dhuuman karaan,” ayuu yiri.

Si kastaba Khubarada QM ayaa sheegay bishii tagtay in ADF ay ballaarineyso howlgalladeeda Congo ayada oo maal-gelin ka haysata Daacish inkasta oo uu socdo howlgal ka dhan ah oo ay wadaan ciidamada Uganda iyo Congo.

VOA/REUTERS

Back To Top