Haweeney 81 jir ah oo xabsi u galaysa qorshe dil oo ay qeyb ka ahayd fulintiisa.

Haweeney 81 jir ah oo la sheegay inay xiriir hoose la lahayd dilayaasha Krasnodar ayaa loo xiray fal ah inay amartay dilka sarkaal dambi-baare ah.

Lyudmila Ryabykh ma ahan abooto caadi ah. Kaliya xiriir lama lahan dilayaasha ee waxay sidoo kale madaxiisa duldhigtay dilka sarkaal dambi-baare ahaa oo hadda kahor ay sharciga isku qabteen. Dhawaan waxaa dhacday in boolisku uu korjoogteyn ku sameeyo dhaqdhaqaaqeeda maadaama la ogaaday inay maleegeyso qorshe dil oo ay la damacsan tahay sarkaal ciidan.

Laakiin, nasiibdarro, maba ogeyn in dilayaashu ay xiriir qarsoodi ah la yeesheen booliska oo xogteeda ay ku wargeliyeen. Haddana waxay wajahaysaa xabsi aysan ogeyn waqtiga ay kasoo bixi doonto.

In kasta oo boolisku maareeyey in ilaa dhammaadka qorshaha ay si tartiib ah ula socdaan dhaqdhaqaaq walba oo ay haweeneydan sameynaysay, haddana, waxaa laga hortagay in falku u dhaco sida ay rabtay. Taas beddelkeeda, waxaa la jilay in sarkaalku metelo sida in la dilay oo kale – si markaas loo ogaado in haweeneydan ay bixin doonto lacagtii ay sheegtay inay dilkiisa ugu tala-gashay. Wayna bixisay markii loo sheegay inuu dhintay sarkaalkii ay rabtay in la dilo.

Balse booliska ayaa gacanta kusoo dhigay. Waxaana hadda ay sugeysaa xukunka usoo baxa nuuca uu noqonayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

Back To Top