Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo codsi xasaasi ah u diray Putin

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa warqad u diray madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, si uu ugu qanciyo Ruushku inaanu hakin hindisaha debedda loogu dhoofiyo sarreenka laga raro dekedaha ku yaalla badda Maddow.

“Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa dedaal ku bixinaya inuu xidhiidh la sameeyo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintani, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in horumar laga sameeyo soo jeedintiisa, isaga oo xidhiidh la samaynaya Ruushka” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Antonio Guterres.

Afhayeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas ka badan ka bixiyo hindisaha uu wado xoghaye Antonio Guterres, isagoo intaas ku daray “in lagu jiro xilli xasaasi ah”.

Hindisahan ayaa ogolaanaya in sarreenka laga dhoofiyo dekedaha Ukraine, kuwaas oo Ruushku xannibay, tan iyo markii uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine sannadkii hore, waxaana laga yaabaa in dib loo cusboonaysiiyo bishan July 18-keeda.

Moscow ayaa marar kala duwan ku celcelisa inaanay faa’iido badani ugu jirin hindisahan.

Waxaa jiray hindise kale oo kan barbar socday kaas oo u dhexeeyey Qaramada Midoobay iyo Ruushka, kaas oo la doonayey in caqabadaha lagaga faydo, heshiiska ogolaanaya in debedda loo dhoofiyo sarreenka Ruushka iyo agabka kale ee beeraha lagu bacrimiyo.

Mid ka mida qodobada ugu waaweyn ee Ruushku dalbanayo ayay ka mid tahay, in baanankeeda ka shaqeeya maalgelinta beeraha in dib loogu fasaxo, nidaamka is-afgaradka baananka ee caalamiga ah, si uu xiriir ula samayn karo baananka kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

Back To Top