Ciidanka Jubbaland oo dib ula wareegay degaan shalay dagaal looga saaray

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Gerileey ee gobolka Gedo.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay weerar culus ku qaadeen degaanka Geriley oo galinkii hore ee Shalay ay la wareegtay Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in dagaalka xalay ka dhacay Geriley uu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hub kala duwan, khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weli lama oga.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay dib ula wareegeen gacan ku heynta degaanka Geriley ka dib markii ay ka taag roonaadeen kuwii Al-shabaab ee saacadaha kooban ku sugnaa halkaas.

Degaanka Geriley ayaa dhamaadkii bishii la soo dhaafay waxaa ka guuray ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ciidanka ATMIS oo Saldhigii ay halkaasi ku lahayeen mudo ku dhaw 10 sano ku wareejiyey ciidamada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

Back To Top