Shirkad lagu dhaleeceeyey fal carro abuuray oo baalmarsan xeerka shaqaalaha.

Shirkad tiknoolojiyadda ka shaqeysay oo Hindiya ku taal ayaa dhawaan sameysay fal hadalheyn aad u badan ka dhex dhaliyay dadweynaha kaddib markii mid kamid ah maareeyayaasheeda uu faray in shaqaalaha xarunta aysan ka tagi karin amar la’aantiisa – waxaana albaabka laga baxo la arkayaa silsilad ku xiran.

Muuqaalka waardiyaha oo qunful ku jebinaya ganjeelka weyn ayaa ku baahay baraha bulshada, wuxuuna ku doodayaa inuu amray maareeyaha shirkadda oo lagu magacaabo Anurag sir’. Wuxuu sheegay in maareeyuhu ku wargeliyay in cidna uusan ka bixi karin shirkadda isaga oo aan fasax laga qaadan. Arrintan ayaa dood culus, dhaleeceyn xoogan iyo fadeexad ku keentay shirkadda. Laakiin markii uu gaaray kuleylka uga yimid ra’yulcaamka, shirkadda ayaa sheegtay inay ficilkaas u sameysay daqiiqado kooban oo aysan marwalba kula dhaqmi jirin shaqaalaheeda.

“Ma ahayn falkan mid ku tala-gal ah, wuxuuna ujeedku ahaa in lagu hubiyo dhammeystirka shaqada shaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirkadda. “Waxaana bixinaynaa raali-gelin.”

Si weyn ayaa baraha bulshada loogu dhaleeceeyey ficilka shirkaddan kula kacday shaqaalaheeda.

“Waa maaro xumadii halka ugu sarreysay,” ayuu soo qoray mid kamid ah dadweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

Back To Top