Yusuf Garaad “Safarrada madaxweynaha hal dollar ugama bixin khasnadda Dowladda.

Intii aan xilka Wasiirnimo hayay waxaan u dhoofay safarro shaqo oo dhowr ah. Marka laga reebo shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Afrika ay isugu yimaadeen oo aan uga qeyb galay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxay safarradeydu ahaayeen qaar aan Madaxweynaha u raacay safarro shaqo iyo Booqasho Qaran oo uu ku tegey dalal dhowr ah.

Waxaan tagnay Abu Dhabi, Ankara iyo Antalya oo ah dalka Turkiga, Addis Ababa, London, Riyadh, Djibouti iyo Dooxa.

Waxaa ka horreeyay safar uu Madaxweynuhu ku tegey Nairobi ka hor inta aan la ansixin Xukuumadda.

Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa faahfaahin ku saabsan ujeeddada safaraddaas, sababta keentay in uu Madaxweynuhu baxo intii ay Wasiirro bixi lahaayeen, waxa hadda ku soo beegay iyo kharashka ku baxay inta uu le’eg yahay.

Maxaa kallifay Safarradan?

Laga billaabo markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii 8-da Febraayo, Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa ay kalsooni weyn u muujiyeen Hoggaanka dalka. Sidoo kale waxaa aad loo soo dhoweeyay magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha iyo dhismaha Xukuumadda. Waxayna dadweynaha Soomaaliyeed ka dhowrayaan waxqabad la taaban karo. Kaas oo u baahan dadaal iyo xiriir wanaagsa oo lala yeesho dalalka u heelan Soomaaliya.

Haddana marka ay Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirradu xilka ay la wareegeen laguma wareejin maaliyad ay ku shaqeeyaan. Meelaha qaar waxaaba lagu wareejiyay deymo iyo qaansheegad.

Dhinaca kale, Taageerada dadweynaha waxay iyaduna dhiirri gelin u noqotay dowladaha aan saaaxiibka nahay oo waxay gelisay yididdiilo hor leh in ay Soomaaliya horumar ku tallaabsan karto maaddaama ay dhalatay Dowlad haysata shacbiyad xoog leh.

Markaas waxaa khasab noqotay in Hoggaanka Sare ee dalku uu booqdo dalalkaas si Madaxdooda loogu fasiro isbeddelka dalka ka dhacay, siyaasadda dowladda iyo fursadda ay Dowladdu u haysato in ay nabadgelyada sugto, shaqo u abuurto dhallinyarada, korna u qaaddo dhaqaalaha dalka.

Maxaa Madaxweynuhu u safrayaa miyaan Wasiirradu qaban karin howsha?

Booqashada Madaxweyne waxay leedahay maqaam iyo muhiimad ka sarreysa midda Wasiirrada. Madaxweyne waxaa qaabbila oo uu wadahadal la yeeshaa hadba mas’uulka ugu sarreeya dalka uu booqanayo.

Marka ay booqashada Madaxweynuhu irdaha u furto iskaashi iyo wax wadaqabsi oo ay labada Hoggaamiye ay is fahmaan ayay Wasiirradu halkaas ka sii amba qaadaan meelmarinta iyo ka miro dhalinta mashaariicda la isla meeldhigay.

Mida kale, mar kasta oo uu safrayo Madaxweynuhu waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirro wadahadal faahfaahsan la yeesha dhiggooda hadba dalka la booqanayo.

Intaa ka dib wixii hirgelin iyo dib u eegid qodobada lagu heshiiyay ah waxaa meelmariya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo hadba Wasaaradda ay si gooni ah u khuseeyo heshiisku.
Maxaa noo qabsoomay?

Kenya

Waxaa la isku afgartay la sahlo isu socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada dal. Waxaa la isla gartay in la joojiyo dhaqankii ahaa in dullimaadyada ka yimaada Soomaaliya loo weeciyo Wajeer, taas oo hirgashay noqotayna mid si weyn u sahashay isu socodka. Waxaa kale oo la isla gaaray in baasabboorrada diblomaasiyiinta, madaxda iyo shaqaalaha Dowladdu ay fiisada ka qaataan marka ay yimaadaan Nairobi.

Waxay Kenya ballanqaadday in ay deeqa waxbarasho iyo tababbarro ay u fidiso 200 oo Macallin, 200 oo Kalkaaliyayaal caafimaad ah iyo 100 shaqaalaha Dowladda ah.

Ethiopia

Dowladda Ethiopia waxaan u wadahadalnay si saraaxi ah oo saaxiibtinnimo dhow ah. Waxaan Ethiopia isku afgarannay in aan iska kaashanno danaha labada dal annaga oo ku shaqeyneyna is-ixtiraam iyo is-qaddarim siman.

Waxaa lagu heshiiyay wadashaqeyn dhow oo xagga amniga, socdaalka, ganacsiga xuduudaha isaga gudba iyo dhinacyo kale.

Waxaa la isku afgartay in guddi farsamo loo saaro biyaha webiga Shabeelle iyo in la dhiso gudiga xuduudaha labada dal ay wadaagaan si looga baaqsado dhibaatooyin xagga amniga ah oo ka dhaca degaannada la teedsan soohdinta iyo si loo unko rugo hor leh oo soohdinta ku yaalla oo dal-ku-gal laga qaadan karo si marka loo baahdo looga tallaabi karo soohdinta si sharci ah.

Ethiopia waxay ku deeqday deeq Waxbarasho oo 500 oo arday oo Soomaali ah ay u fidineyso waxbarasho Jaamacadeed oo isugu jirta heerarka kala duwan ee Jaamacadda oo ay ka mid tahay shahaaddada ugu sarreysa ee Jaamacad laga qaato.

Waxaa la isku af gartay in la dhiso Guddi heer Wasiir ah oo ka shaqeeya iskaashiga labada dal oo ay hoggaaminayaan Wasiirrada Arrimaha Dibaddu.

Labada dowladood waxay ka wada hadleen dardar gelinta heshiiska suuqa ganacsiga geeska Afrika.

Midowga Afrika

Madaxweynuhu intii uu joogay Addis Ababa wuxuu booqday xarunta Midowga Afrika halkaas oo uu wadhadal kula yeeshay Guddoomiyaha oo ay AMISOM hoos tagto.

Madaxweynuhu arrimaha uu la soo qaaday AMISOM waxaa ka mid ah in Xilalka sarsare ee Midowga Afrika loo tixgeliyo murashixiin Soomaaliyeed maaddaama qoondada ay Soomaaliya leedahay aan la buuxin.
Djibouti

Waxaa lagu heshiiyay in la iska kaashado arrimaha amniga badaha labada dal iyo sii wadidda tababarada kala duwan ee la siiyo booliska Soomaaliyeed gaar ahaan dembi baarista iyo nidaamka casriga ah ee booliska dunida u shaqeeyo.

Intii aan joognay Djibouti waxaan ka qeyb galnay xafladda furitaanka Dekedda Doraleh ee Jamhuriyadda Djibouti. Waxaa xusuus mudan in dekedda oo ay wadajir u dhagaxdhigeen Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon markii uu xilka hayay ay hadda wadajir u fureen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa loo xilsaaray ka miro dhalinta is afgaradka la gaaray, daba-galka heshiisyadii hore iyo curinta heshiisyo hor leh oo ay iska kaashadaan labada Dal ee walaalaha ah.

Turkey

Labada dal waxaa ka dhexeeya xiriir dhow iyo iskaashi xagga mashaariicda horumarinta ah. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay in xiirri ganacsi uu dhex maro iyo in Soomaaliya loo ogolaado waxyaabaha dalka laga soo saaro in ay u dhoofiso dalka Turkiga. Waxaa kale oo laga wada hadlay arrimaha waxbarshada gaar ahaan ardayda waxbarata dalka Turkiga iyo aqoonsiga Jaamadaha Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday inay samanayso goob ganacsi xor ah si ganacsatada Turkigu u maalgashadaan Soomaaliya.

Turkigu wuxuu ballanqaaday mashaariic ah xagga Beeraha, ka hortagga fatahaadda webiyada, dhismaha kannaallo cusub, waraabka beeraha iyo cilmi baaris abaaraha soo noqnoqda iyo sidii looga gaashaaman lahaa.

Qadar

Dowladda Qadar waxay ballanqaadday in ay gacan kabto miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya. Waxay ku deeqday in ay gacan naga siiso barnaamijyo xagga caafimaadka iyo waxbarashadu ay ka mid yihiin.

Doha oo aan saaka ka soo ambaxnay intii aan joogay wuxuu Madaxweynuhu xalay kula hadlay, su’aalahoodana uga jawaabay, talooyinna uu ka dhegeystay dhowr boqol oo Soomaali ah oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee Qadar.

Sucuudiga

Wuxuuna soo dhoweeyay mabda’ ahaan in uu gacan ka geysto mashaariic horumarineed oo ay ku jiraan dhismaha kaabayaal dhaqaale iyo in uu maalgeliyo mashaariic shaqo u abuurta kumanyaal Soomaali ah.

Sidoo kale waxaan Sucuudiga isku afgarannay iskaashi xagga amniga, xag tababbar iyo qalabeyn ciidanka ah.

Mashaariicda ay Boqortooyada Sucuudigu ballanqaadday waxaa ka mid ah dauactirka Waddooyin, dhismaha Airport cusub iyo dib-dhiska dhismayaasha dhowladda mashaariic kale oo ay ka wadahadli doonaan guddi labada dhinac ah.

Dhowaan waxaa socdaal ugu bixi doona dalka Sucuudiga wafdi ka kooban Wasiirro iyo xirfadlayaal si ay isula gorfeeyaan mashaariicda uu Sucuudigu maalgelinayo, goobaha ay noqonayaan iyo goorta ay billaabanayaan mashaariicdu.

Amniga xagga tababbarada iyo qalabeynta ciidanka.

Imaaraadka Carabta

Waxaa la isla gartay in ay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, mas’uulna ay ka tahay Dawladda Federaalka Soomaliya oo arrin kasta oo dalka ku saabsan lagala xaajoonayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay Dowladda Federaalku ay qirtay in ay dooneyso welibana ay dhiirri gelineyso horumarinta Gobollada iyo Degmooyinka uu dalku ka kooban yahay.

Imaaradka Carabtu wuxuu ballanqaaday in uu gacan ka geysto miisaaniyadda Dowladda iyo in la iska kaashado tababbarka iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Muxuu le’eg yahay kharashka ku baxay Safarradan?

Marka laga reebo safaradii Nairobi iyo Addis Ababa oo ay Soomaaliya la baxday kharashka dayaaradda oo keli ah, intaas oo safar ee aan galnay iyo intaas oo howl u qabsoontay Qaranka Soomaaliyeed haddana ma jiraan wax kharash ah oo ka baxay khasnadda Dowladda Soomaaliya.

Safarradaas hal dollar ugama bixin Dowladda.

Safarrada aan xusay dhammaantood waxay ahaayeen kuwo dayaarad, hotel, raashin iyo socodka gaadiidka dhulka intaba ay ku deeqeen dalalka aan booqannay.

Safarrada Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay ahaayeen kuwo horseed u noqday iskaashi, isqaddarin iyo wax wada qabsi si-siaman oo uu shacabka Soomaaliyeed u aayi doono.

xigasho: http://yusuf-garaad.blogspot.se/2017/05/socdaalka-madaxweynaha.html?spref=fb&m=1

You might also like More from author