Warbixin dhab ah oo ku saabsan Soomaaliya

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatu

Walaalayaal aniga waxaa la yiraahdaa Galib Ramathan. Waxaan ku dhashay Magaalada Muqdisho, Soomaaliya bishii Janaayo 1st, 1981. Magaaladan muqdisho waxaa ka dhacay dagaal sokeeye. Kaasoo saameeyey wadanka oo dhan. Intii uusan dagaalku xoogaysan waxaa dhacday arrin la yaableh. Arrintan oo ay ka dhacaday isla magaalada Xamar. Gabadh aanu daris ahaan jirnay markii aan ku noolayn, Soomaaliya. Gabadhan oo dibadda wax looga dirsaday. Intii dibadda ay ku maqnayd ayaa aqalkoodda madfac lagu dhuftay. Reerkan gabadhan ayaa ka badbaaday. Waxaanuna markaas wada deganayn xaafadda Huruwaa oo ka tirsan Magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Wakhtigunna waxa uu ahaa bishii Diseembar sanadki 1990kii.

2 Markii aan ogaanay in la ridaayo madfac. Waxaanu lug ku nimid laba garaash oo u dhow magaalada Afgooye, oo uu iska lahaa nin aan qaraabo nahay, oo wadaad caalim, ah aqoon dheerna u leh diinta Islaamka. Waxaanu seexanay hal habeen garaashkaas anaga iyo dad badan oo kale. Ka dib wadaadka subixi wuxuu sameeyey, bas uu lahaa ayuu nagu qaaday. Wuxuuna nageeyey furunta beeraha ee Afgooye. Halkaas waxaan joognay hal habeen. Subixii dambe waxaan u lugaynay magaalada Afgooye. Markii aan gaarnay Afgooye, bas ayaan ka raacnay oo u socda Mudul Baraawe. Afgooye markii aan soo gaarnay xabadu, waxay u dhacaysay sida roobka oo kale. Baska markii aan raacnay oo wax yar uu socday waxaa aragnay askar Hubeysan, waxayna saarnaayeen jiibab iyo baroono. Ninka baska waday wuxuu nagu yidhi, wax dhib ah ma arkayno Insha- Alaah, Faataxada halamaro.

3 Ninkaas oo baska waday wuxuu ahaa nin wadaad ah oo dhalashadiisu ay tahay reer Baraawe. Wuxuu baskii dhaxmariyey beero jiq ah. Nasiib wanaag wax dhib ah ma arkin. Baskiina wuxuu nageeyey Mudul Baraawe. Waxaanuna joognay hal habeen. Subixii waxaan helnay bas u socda magaalada Kismaayo. Waanuna raacnay, wuxuuna nageeyey Kismaayo. Markaan Kismaayo gaarnay waxaan seexan jirnay guri cariish ah, oo doqosh ah. Anaga iyo dadka intiisa badan habeen iyo maalin waa nala waardiyeen jiray, maxaa yeelay, xabada waxay u dhaci jirtay sida roobka oo kale.

4 Meedka wuxuu jidadka u dhooban yahay maxaa kaa-galay. Jidadka meel la maro malaha. Wax maalin iyo habeen socon kara ma jirin.

5 Haddii lagugu arko adigoo banaanka maraya hilibkaaga waxaa lagu jarjarayaa baan-gad ama seef oo afaysan. Xabada waxay noqonaysaa janno. Waxaa anaga raashin noo ahaa bariis cayriin iyo biyo cad, maxaa yeelay banaanka wuxuu ahaa qatar wayn.

6 Aniga mar ayaan banaanka u baxay waana la i qabsaday waxaana la i waydiiyey waa maxay qabiilkaagu? Runtii waagaas ma aqoonin qabiil. Waxaan dhahay walaalayaal aniga waxaan ahay runti wiil yar waxaa jiray toban sano, qabiilna ma aqaani, runtiina la ima barin. Markaan sidaas dhahay way igu qayliyeen laakiin ima dilin. Qayladdi ay igu qayliyeen ayaa waxaa ka qaaday naxdin (shoog). Markaas waxay ahayd sanadki 1991kii. Kismaayo xabaddi markii ay ka joogsatay waxaan raacnay gaari oo u socda Libooyo Soomaaliya. Markii aan raacnay wuxuu na geeyey habeenkii Qooqaani.

7 Waxaa seexanay hal habeen halkaas. Ka bacdina subixii isla gaarigii ayaan raacnay, wuxuuna na-geeyay Libooyo, Soomaaliya. Markii aan gaarnay Libooyo, Kenya. waxaanuna ku noolayn afar bilood afar taas bilood waxaa Saf u gali jirnay xerada qaxootiga ee Libooyo, Kenya. Waxaana saf u gali jirnay biyaha ceelasha ee Libooyo Kenya.

8 Markii ay Soomaaliya wadankeena joognay immaanka ayaan qabnay hadda dadki immaanka ayaa ka tagay waxaa waashay lacag.

9 Haddana qof walba oo Soomaali ah wuxuu ilaahay siiyey caafimaad markaan joognay wadankeeni Soomaaliya. Wax cudur iyo jiro sheegta ma jirin waagii ay Soomaaliya nabada ahayd. Soomaaliya cudur ama jiro iyo madax xanuun loogama horayn dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. Markii ay Soomaaliya nabada ahayd daawo iyo cudur lama aqoonin.

10 Hadda aniga meel aan maanta joogo cir iyo dhul ma aqaani. Waxaan ka bixi la’ahay fakar iyo jiro madax-xanuun.Waxaan qaataa daawooyin loo cuno madax xanuunka. Maanta nolool raaxo kuma haysto qurbaha. Waxaan soo maray dhib iyo silac iyo saxariir iyo rafaat. Mar haddaa noolahay alxamdulillaah. ilaahay weyne ayaa mahad iska leh. Soomaali waxay ku maah-maahdaa, “Alle wate wahel ma doono Alle dile ayaa dhinta.

11 Soomaaliya waxaa taala nolool raaxo leh iyo caafimaad. Waagii aan joogi jiray soomaaliya weligay noloshay daawo iyo ma cunin cudurna iguma dhicin waxaan qabbey caafimaad. soomaali cudur iyo jiro loogama horeynin dagaalkii sokeeye ee soomaaliya.

12 Waagii aa joogi jiray soomaaliya nabada ahayd ee dowladii siyaad Barre galin waxaa dhigan jiray Iskuul dugsi hoose galinah dugsi Quraan, Soomaaliya dadka dariska aad iyo aadbay is ku jeclaayeen. Waagii dowlada siyaad Barre waxaan qabnay immaan keena wax lacag ka fakaro ma jirin waa iska nooleyn wixii ilaahay nasiiyo ayaa cuni jirnay.

13 Waxaa soo xasuustaa subax walba waxaa cuni jirnay canjeelo iyo shaah. Soomaaliya haddii noo hagaagto waxaan jeclaan laheyn in aan ku laabano wadankeeni hooyo dhamaan dad weyna soomaaliyeed meel walba ee joogaan dunida.

14 Qof walba oo soomaali ah wax wadankiis wax u dhaama malaha Kitaabka Quraanka kariimka soomaaliya waxaa lagu baran jiray hal sano gudaheed.

15 Waxaa soo xasuustaa saacada casarka waxaa soo booqan jiray qaraabadayda. Waxaa ku fariisan jiray jeedka hoostiis ayaan ku raaxeysan jirnay intaa shaah ama qaxwo karsano, haddaa soo xasuusto mararka qaarkood waa iska ooyaa.

16 Maxamed Siyaad Barre ilaahay ha u naxariisto, jano fordooso ilaahay ha ugu bushaareeyo, wax weyn ayuu soomaali u qabtay. Madaxweyne Siyaad Barre wax gaaraaya ma jiro.

17 Haddii maanta soomaaliya nabad ahaan lahayd kanada waxaan ka jecleenlahaa anoo ku laabto wadankeegii hooyo ee soomaaliya oo guri cariish ah dhax seexdo oo amaan ku helo oo wixii ilaahay i siiyo aan cuno.

18 Haddaa soo xasuusto noloshii aan ku noolayn Soomaaliya iyo maanta mararka qaarkood waan iska ooyaa wax macunikaro mana-seexankaro waa u xiisay wadankeygii hooyo muddo 25 sano ka hor ayaa ugu dambeesay.

19 Waxaan maanta Soomaaliya wadankaygii hooyo aan u qabankaro malaha laakiin ilaahay weyn ayaa u baryayaa in uun nabad ku soo celiyo Soomaaliya.

20 Waagii ee soomaaliya nabada ahayd ee dowaladii Siyaad Barre waxaan ahayn dad qaali ah oo sharaf leh oo dunida oo dhan kadambayso laakiin maanta anagaa ayaa dunida ugu lidana. Mar walba oo aan salaad tukado waxaan ilaahay ka baryaa in uu kadhaliyo dowlad Muslim ah oo daacad ah. Cadogeyna ilaahay hajabiyo. Kuwa isdagaalaaya ilaahay qalbigooda ha isku jeediyo dhaxdooda ilaahay nuur hadhaxdhigo. Soomaaliya see ahayn jirtay iyo si ka fiican ilaahay haku soo celiyo?

21 Magacayna iyo calan keeni Soomaaliya ilaahay hanoo soo celiyo? Ciidamadda Kanadiyaanka iyo Maraykan ayaa tagay Soomaaliya sanadkii 1993kii waxay yiraahdeen waxaan Soomaaliya ku soo celinaynaa rajo, laakiin wadankaan dad ma laha. Waxay arkeen nimcadda wadankeenna, wabiyadiisa, beerahiisa, badiisa uu ilaaheey ku manaystay. Mar walba oo aan salaad tukado waxaan baryaa ilaahay weyn rahmaan.

22 ilaahay wuxuu yidhi ducadeeda iyo rajadeeda yaa laga daalin. Haddaba waa in aynu ilaaheey ka barinaa si Eebe wadankeena uu inooga dhigo nabad iyo in uu inooga dhaliyo dowlad daacad ah oo Muslim. Soomaaliya haloo duceeyo waxaa jiro mar ee samada furan tahay ilaahay ducada kaa akhbalaayo. ilaahay wuxuu ugu jecel yahay qofkii baryo oo adoonkiis. waxaa ilaahay weydiisatid oo kheyr ah waa helesaa.

23 Aniga waxaa aamisan nahay nabsigii wadanka laga galay ayaa ilaa hadda nahaayo, wax hagaa-gaayo ma jiro ilaa ilaahay noo noqdo, dambi dhaaf ilaahay hala weydiisto? ilaahay waxuu na siiyey dhul barwaaqo oo kheyraad ka buuxo oo wax gaaraayo jirin aduunka.

24 ilaahay haddaa u noqono oo cafis weydiisano wadanka wuu dagilahaa Qudaarta soomaaliya waxee ahayd qudaarta ugu macaan adduunka oo loogu jecel yahay, waxaa loo dhoofeyn jiray talyaniga iyo aduunka meel walba. Soomaaliya xaga alle ayaa laga-heestaa.

25 ilaahay haddii loo noqdo wax walba wee hagaagayaan. ilaahay kuwa soo hadeeyo hanagadhigo. Waxa yaab leh dad 100% oo Muslim ah oo walaalo ah oo isku af ah isku diin iyo isku midab ah oo isnacab oo isdilaayo ma jiro aduunka wax saas oo kale sameeyo ma jiro,

26 Dagaal wuu dhacaa la iskuma heesto laakiin dagaal socdo 25 sano meel uu ka dhacay ama ka jiro dunida malaha. Dagaal in uu faa-ido lahayn Soomaali weligeed kama quusanayaan waa wax laga yaabo. ilaahay haddii loo noqdo soomaaliya wey hagaageysaa insha-Allaah.

27 Hadda soomaaliya waxay u haagi la-dahay dad masaakiin oo waxba galabsan ayaa ladilayaa maalin walba, meel dhiig bina aadan daadanaayo mahagaageyso.

28 ilaahay wuxuu yidhi is jeclaada isku naxariista ha idin naxariistee, ilaahay wuxuu yidhi dhulka iskugu naxariista anigana samada ayaa idinku naxariisanayaa? waxaana ka fagaataan dhiiga bina aadanka.

29 ilaahay wuxuu yidhi qofkii Muslim u miciino muraadkiis wuu helaa. Maslaxada aa suubsatid adduunka ayaa aakhiro ku meel mareysaa waxaana gacantaa midig aa ka dhiibatid aakhiro miisaanka ayaa lagu kabaa?

30 Walaalayaal Kafaa ideesta, dunidaan qof joogaayo ma jiro. Noloshaan aa hadda ku jirno ma-aha noloshii runta ah. Nolosha runta ah waxee bilaabanaysaa markaa dhimatid intaa dhiman ka hor waxaa u baahan tahay in aa cibaadeesatit oo camal wanaagsan shaqeysatid oo ilaahay weydiisatid.

31 Inta anaga isku maqan nahay ayaa khayraadka badeena la dhameestay. ilaahay hana asturo. Wixii camal wanaagsan oo ilaahay If you want to save on the buying of your cialis Jelly, you should find someone reliable. We’ve got the best deals, and you can buy your cialis Jelly for 4.1 at our store! weydiisatid waa heleysaa aakhiro? Aduunkaan waa wax yar qof joogaayo ma jiro.Qof walba wuu dhimanaayaa saacadiisa haddii dhamaato. sheekadeeda intaas ayaa ku soo gaba-gabeeyey.

Fadlan ila soo xariir haddaa su’aal qabtid. Waa mahadsantahay.
waxaa kuu rajeynayaa kheyr.

E-Mail: galibramathan2015@gmail.com

Please visit at www.galibramathan.com

You might also like More from author