Shargica cusub ee joogitaanka dalka Sacuudiga

Shargica cusub ee joogitaanka dalka Sacuudiga.
1- Marka laga bilaabo bishan had aan ku jirto (July, lulyo) qofka dalka Sacuudiga iqaamad ku jooga waxaa lagu soo roge qodobada hoos ka muuqda.

– Joogitaanka xaaskada aay kula joogto dalka Sacuudiga bil walba waxaa ka bixin doonta 100 riyaal

– Canug kasta joogitaankiisa waxaad ka bixin doonta 100 riyaal.

– Tusaale ahaan hadii Sacuudiga kuu joogan xaas iyo sedax caruur ah, bil walba dowlada Sacuudiga waxaad siin doonta 400 riyaal/

2- Marka la gaaro bisha todobaad, 2018 xaaskaada iyo caruurtada qofkiiba waxaad ka bixin doonta bilwalba 200 riyaal.

– Tusaale ahaan hadii aay kula joogaan xaas iyo sedax caruur ah bil walba dowlada Sacuudiga waxaad siin doonta 800 riyaal.

3- Marka la gaaro bisha todobaad, 2019 xaaskada iyo caruurtada qofkiiba waxaad ka bixin doonta 300 riyaal.
Tusaale ahaan hadii aay kula joogan xaas iyo sedax caruur ah bilwalba dowlada Sacuudiga waxaad siin doonta 1200 riyaal bilwalba.

4- Marka la gaaro bisha tobodaan, 2020 waxaad bixin doontaa 400 riyaal qofkiiba.

Tusaale ahaan hadii aay kula joogan xaas iyo sedax ah dowlada Sacuudiga bilwalba wxaad siin doonta 1400 riyaal.
Waa dalka nooga tag, ama adoosi u’golow.

W/Q: Muhammed Hassan Warsame

You might also like More from author