Maqaam u-sameynta Magaalada Muqdisho Waa Faro Badisay, Dharigii Faro Badiyana Waa Fuud Xaraareeyaa!

Senator Muuse Suudi ayaa isu xilsaarey maqaam u sameynta Magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi ayaa Dawladda Federaalka u qaabilsan maqaam u sameynta Muqdisho, Hirshabelle ayaa fidisay gogol lagu sameynayo maqaamka Magaalada Muqdisho, bulshada Xamar iyo Xamar daye ayaa xaq u leh maqaam u sameynta Muqdisho iyo ereyo kale oo la mid ah ayaa laga hadal hayaa caasimada Soomaaliya.

Iskaashatada ka kooban Senator Muuse Suudi iyo hogaanka Dawlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ugu orod badan kooxaha xusul duubka ugu jira sidi ay uga dhabeyn lahaayeen hadafkooda, xooggaga Deegaanka ee Xamar iyo Xamar daye ayaa iyaguna ruclo orod aan yareyn ku jira, garabka Sedexaad ee lagu tilmaamo dabaadiga maqaam u sameynta Muqdisho ayaa ah maamulka G/Banaadir, af ka sheegasho mooyee waxqabad muuqda wali lama imaanin maamulkaasi.

Hubaashii Midnimo la’aan ayaa ka dhex taagan kooxahaasi, is riix-riix, is tuhun iyo in la is doc wareemo ayaa ka dhex aloolsan, cabsi waxaa laga qabaa is qab-qabsiga u dhaxeeya kooxahaasi inuu haadaan {bohol} dheer ka tuuro maqaam u sameynta Magaalada Muqdisho

Haddaba sidee la isugu keeni karaa kooxaha kala jiidanaya maqaam u sameynta Muqdisho, qaabkeese ugu haboon ee Magaaladaan ay ku heli kartaa maqaam u gaar ah? Fadlan nala wadaag Taladaada

WQ: C/Laahi Xasan Axmed Shiikhaalow

 

You might also like More from author