MAQAAL: U OLOLEEYAYAAL BARAHA BULSHADA

Waxaa aad ii soo jiitay u Ololeeyayaan Baraha Bulshada oo si weyn uga shaqeynaya sidii dadkooda iyo dalkooda loogu hiilin lahaa waxaan aad ula socday Kooxda u Oleleynaysay gabdhihii ay qabsaday Bako Haram (Social Media Campaigners Mark Chibok Girls Release) waxay Dowladda #Nigeria ku qasbeen Ololahooda badbaadinta gabdho loo haystay madax furasho, wayna ku guuleysteen.

Waxaan isweydiiyay Dalkeena (Soomaaliya) waxaa aad loo adeegsadaa Baraha Bulshada oo sanadahan danbe u muuqanaya mid si weyn dadka ay ugu taxan yahiin iyagoo ka dhigtay Isha keliya ee ay kala socdaan marxaladaha uu dalku marayo iyo wixii markaa ugu danbeeya oo ay ka daalacdaan. Laakiin Hubaasha ayaa ah inay jiraan dad si qaldan u isticmaalaya kuna marin habaabinaya in badan oo aan fahmi karin xaqiiqda xogta loo soo gudbinayo.

Maxaa diidaya in dalkan oo ay dagaalada iyo burburka dhaqan dhaqaale uu daashaday inuu helo geesiyaal u kaca oo ka shaqeeya wanaagga mar walba dhabta soo gudbiya isla markaana sameeya Olole ka turjamayo horumarka iyo cadaaladda in dalka lagu hago, lagana shaqeeyo sidii dadka looga caawin lahaa in codkooda uu gaaro meelo If you are looking for cheap Menosan, but still are unsuccessful, you can enjoy buying it for only 56.8 USD right now at our online store! badan oo aysan awal gaarsiin karin.

Si kastaba, Ujeedka qormadeyda ayaa ah in loo baahan yahay u ololeeyayaal ka tarjuma danaha shacabkooda iyagoo u maraya Baraha Bulshada ummadda Soomaaliyeedna kasbada dareenkooda iyo kalsoonidooda, Marka ay arrin ay diiradda saarayaanna uu noqdo mid ka tarjuma codka shacabkooda.

Qalinkii: Saciid BUUNA

You might also like More from author