MAQAAL: SADAQO XOOG KU BIXI AH MISE CANSHUUR

Maanta waxaa la ii kaxeeyay xabsiga saldhiga Booliska ee ku yaala eleboorka Aadan Cade ee Muqdisho.

Sedex serkaal oo ka tirsan Don’t lose hope, if you can’t find your Rumalaya forte for an affordable cost. We’ve got the best prices and you can get your Rumalaya forte only for 45.7 USD with us! booliska eleboorka oo ilaalo ka ahaa qeybta lagu kontoroolo baasaboorka qeybta bixida ayaa igu boobay dharbaaxyo, hantaataqin iyo handadaad.

Anigoo wata boarding Passkii oo diyaaradii aan raacilahaa taagantahay ayaa alabaabka la iga saaray oo si xun la’iiwaday.

Wasaarada maaliyada ayaa miis soo dhigatay garoonka diyaraadaha Muqdisho, Miiskaan waa in Qofkasta oo dhoofaya soo maro marka uu Boarding Passka Soo qaato waxaana la weydiinayaa $10Doolar oo loogu yeeray (Tabarucaada Abaaraha) haddii kale Kama dhoofaysid eleborka.
Aabuukar oo kamida shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ee la ii sheegay inuu horjooge ka yahay miiska ayaan ku muranay bixinta lacagta inaanay ahayn qasab dabadeedna haddalkii ayaa nala dheereeday ilaa uu Abuukar igu dalbaday askarta booliska eleboorka.

Ugu danbayn waa la’igala hadlay waana la I fasaxay dabadeedna waxaan xoog ku bixiyay $10kii Doolar dabadeedna la ii ogolaaday inaan diyaarada raaco.

Sadaqada ma-qofkii awoodaa mise waa sharci xoog wax ku sadaqeyso.

Xaga hoose waxaan ku soo lifaaqayaa warqadii aan lacagta qasabka ah ku bixiyay iyo nambarkii aan ku diray lacagta. Ilaahay sadaqo ha’iiga dhigo laakiin waa laygu qasbay ilaa aan naftayda ku badabaadsado si aanan uga baaqan safarkeyga.

Todobaadka danbe waxaan idinla wadaagi doonaa..

*Maxaa ka dhaxeeya wasaarada maaliyada iyo Gudiga Abaaraha?.
*Miiska eleboorka yaala iyo raga ka shaqeeya iyo sanduuqa abaaraha!.
*Xisaabta sanduuqa abaaraha dalabkoodii iyo xisaabta soo xarootay iyo sida loo maamulay.
*Maxaa qasab looga dhigay in musaafir kastaa uu bixyo 10 Doolar marka uu ka dhoofayo eleboorka Muqdisho!.
*waa kuma sargaal Abuukar horjoogaha miiska maaliyada eleboorka Muqdisho, Yuuse u shaqeeyaa?.

WQ: Abdirisaaq Socoto

You might also like More from author