MAQAAL: IN HUBKA LA GA DHIGA SHACABKA MA WAX FIICANA MISE WAA WAX XUN!!!

Goanka dowlada federalka ee hub kadhigista casimada Soomaaliya Mogadishu.

Goanka ayaa waxaa fikrado kala duwan ka qaba guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, firadahaas oo kala ah in dad ka qaar eey u arkaan arin qaldan mesha qaar na u arkaan ineey fiican tahay.

Waxaan rabaa inaa in fikirkeeyga aan kusoo gudbiyo halkaan.
Kadib markaa arkay doodo iyo fikiryo aay dad badan ku dhex martay hadii aay ahaan leheed baraha kala duwan ee internetka iyo idacada BBC barnamijka qubanaha jimcaha.

Waxaa isoo baxday in dadka oo dhan laga siman yahay in aay fiican tahay in hubka laga qaado shacabka, waxaa lagu kala aragti duwan yahay waa qaabka loo qaadayo iyo in dowlada casimada oo keliya ka hirgeliso hub ka dhigista iyo in lagacan mariyo dad xilal kasoo qabtay dowladihii hore oo aay ku raad joogan kooxaha nabad diidka ah.

Fikirkeeyga ku adan qodobkaan waxaa u kala qaadi sadax talo ee u kala socota

a: Fikirka ah ineey qalad tahay hubka dhigista.

b:Fikirka ah ineey sax tahay hub ka dhigista.

c:Talabada dowlada federalka Soomaaliyeed .

A: waxaa ognahay in mowadiniin badan ku nafwaayeen qori iyo hub bilasharci ah.
In dowlada hub ka aruurin ku sameeyso xamar/ Mogadishu waa xarunta ee ka shaqeeyso.
Waa xarunta dowlada iyo gobolka kaliya ee awood buuxdo ku leedahay. Waana casimadii dalka hadii aay hesho nabad buuxda waxaa hubaal ah in eey saameen ku yeelan karto in ay gobolada kale ku deydan.
Waa muhiim in shacabka Soomaaliyeed meel walbo uu joogo uu ka qeeb qaato sidii hubka gacanta dowlada loogu soo gelin laha.
Mamul goboleedyada na ku adkeeyaan in aay ku dayadaan dowlada federalka. Waayo hubkoo laga bixiya gacanta shacabka waa nabado laysku haleeyn karo.

B:in hubka la aruuriyo waa arin aad iyo aad u muhiim u ah.
Waxaa waajib ah in shacabka Soomaaliyeed meel kasto uu joogo taageeran go’aankas kuna dhiri geliyaan maamul goboleedyada ineey qaadan talabada oo kale.
Waayo hadii hubka laga aruuriyo gobol walba waxaa fududaaneysa isu socodka waxaa si fudud meesha uga baxaya cidwalbo nabad diid ah.

C: Dowlada waa ku taageraya talabada hub ka dhigista waana arin waajib ku ah.

Waxaa muhiim ah in dowlada aay qorsho cad ka sameeyso sida
Ineey hubisa amaanka masuliyiinta dowlada hadii aay ahaan lahayeen kuwii hore xilal dalka uga soo qabtay iyo kuwa hada jira.
Waxaan ognahay qoloyinka nabad diidka ah aay halbeegsadaan masuliyiinta..
In aay dowlada dayacin siiba madaxdii hore, waxaan ognahay in la daayacay sarakiil xilkii laga qaaday oo shaqo fiican qaranka usoo qabtay oo tiro badan sida Allaha u naxariisto Jeneral Dhagabadan.

In dowlada aay ku dhiiri geliso maamul goboleedyada ineey qaadan talabadaan oo kale.

In dowlada aay ku bedelato hubka wax dhaqale ah waayo waxaa ognahay in inta badan aay iibsadeen hubka si aay u dareeman in aay dowladu aheen mid xoog kaliya wax ku dooneysa.

In dowladu kasoo saarto qorsho cad sida aay wax u rabaan iyo meesha uu hubka aay aruuriyaan geynayaan iwm.

Waxaa hubaa in maanta shacabka Soomaaliyeed 99% meel kasta uu joogo uu tagersan yahay in hubka la qaado.

Alle aan ka barino waa bil qeeyr bishan in uu Ilaah nabad buuxda iyo barwaaqo dalkeena ka yeelo.

Ummadda Soomaaliyeed bishan Ramadan fadligeedana isku cafisaan.
Ma qaldame waa Ilaah
Horayna looga sii socdo wixii la soo maray lana taageero dowlada.

Lana gacan qabto walaalaha abaaraha ku habsadeen.

Soomaaliya hanolaato.

Qormadii: Yoonis Hassan Khaliif

You might also like More from author