Madaxweyne Farmaajo: Maanta waa Qadaraysan yahay, Berri waa la Sacuudiyeey doonaa, Saa-Dambase..?

Ma qarsana Madaxweyne Farmaajo inuu xilligaan caashaqsan yahay Dawladda Qadar, faah-faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya sababaha uu u calmadey reer Qadar, abaal balaaran ayaa la sheegaa Madaxweynaha Soomaaliya inuu Dawladaasi uga hayo sidii ay gacan ugu siisay doorashadii uu ku yimid Villa Somalia, si uu u gudo abaalkaasi darteed ayaa la rumaysan yahay inuu dhagaha uga fureystey soo jeedintii ugu timid isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee ka soo horjeedo Qadar.

Culeys isa soo taraya ayaa Madaxweynaha Federaalka lagu saarayaa inuu ka laabto mowqifkiisa ku saabsan dhax-dhaxaadnimada, xulufada carbeed ayaa isku dayaysa inay Farmaajo ku qanciso inuu aqbalo soo jeedintooda ku aadan inuu dhabarka u jeediyo Amiirka Qadar iyo Dawladiisa, waqtiyada soo socda ayaa lagu wadaa wafdi aad u culus oo ka socda Wadanka Baqortooyada Sacuudiga inuu soo gaaro Muqdisho, ujeedada wafdigaasi ayaa daaran sidii Soomaaliya looga weecin lahaa dhanka Qadar.

Xusul duubka loogu jiro sidii loo badali lahaa go’aanka Farmaajo waxaa door weyn ka cayaarayo Madaxweynayaal ka tirsan Dawlad Goboleedyada Federaalka, kuwaasi oo bilaabay inay odeyga ku cadaadiyaan sidii uu u raaci lahaa dhanka isbahaysiga carbeed, sidoo kale xusul duubkaasi waxaa qeyb ka ah madax ka tirsan Dawladda Federaalka, ganacsato xiriir dhaw la leh Imaaraadka carabta, wadaado ku xeran Sacuudiga iyo Hay’adoo kale oo caalami ah.

Wararka laga helayo Diblomaasiyiinta danaysa arimaha Bariga Afrika ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha Soomaaliya la badali doono mowqifkiisa sida Eretareya oo kale, Inkastoo Farmaajo uu maanta Qadaraysan yahay ayaa haddana waxaa la hadal hayaa inay dhici karto in berri la Sacuudiyeeyo oo la badalo fekerka uu iminka ku dhagan yahay.

Soomaaliya ayaa ka bad-baadaysa qalalaase siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale haddii ay ogolaato inay noqoto jaalka Wadamada ku mataanaysan Isbahaysiga carbeed, ra’yi ururin la sameeyay ayaa lagu ogaadey shacbiga Soomaaliyeed badankood inay jecel yiihiin Sacuudiga iyo kooxdiisa oo danno badan kala dhaxeeya gayigeena.

WQ C/laahi Shiikhaalow

You might also like More from author