Maareeyaha Airport-ga Muqdisho waa Libaax aan xilka laga qaadi karin, Hanti Dhawraha Qaranka-na waa Doolshe xilka laga xayuubin karo!

163

Halkani waa Soomaaliya, la jiifiyaa bannaan iyo la joojiyaa bannaan ayaa laga yaqaanaa, Dastuurka u yaalo Wadanka koox kasta sidey doonto ayay u fasirataa, masuul walba talaabadii uu doono ayuu ku dhaqaaqi karaa, dhacdooyin lagu kala aragti duwan yahay ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacey gudaha Dalka.

3-dii May 2017-ka waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacey fal uu ku geeriyoodey Wasiirkii Hawlaha Guud Alle ha u naxariistee Marxuum Cabaas Siraaji, xil ka qaadis lagu sameeyay Hanti dhawraha Qaranka ayay abuurtey geerida Wasiirkaasi, go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa xilka looga xayuubiyay Dr. Nuur Faarax, Madaxweynaha Federaalka ayaa soo saarey xeer uu ku aqbalayo xil ka qaadistaasi.

Cadaaladda waa loo siman yahay, waa nasiib daro in masuuliyiinta qaarkood xilka laga qaadi karo halka qaarkoodna aan lagu dhici Karin, Hanti dhawrihii Qaranka xilka waa laga xayuubiyay hase yeeshee waxa la yaab leh in xilka laga qaadi waayo Maareeyaha Garoonka Muqdisho oo diiday inuu xilka ku wareejiyo Mudanihii loo soo magaacabay jagadaasi.

Diidmo cad oo ka timid Maareeyahaasi ayaa u suurta-galisay in xilkiisa loo dhaafo, masuulkii xilkaasi loo soo magacaabay ayaa loo dhiibay jago kale oo qeyb ka ah isla garoonka Aadan Cadde, arimahaasi ayaa ku tusaya in dadka qaarkood si fudud loo badali karo halka qaar kalana ay adag tahay in loo soo dhawaado xilkooda, xuquuq isku mid ah ayay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed sidaasi daraadeed waxaa haboon in si siman ummadda loo maamulo, lagana fogaado nin jecleysi iyo in mid la ceyriyo midna la soo dhaweysto.

WQ : C/Laahi Xasan Axmad Shiikhaalow

You might also like More from author