FAALLO: ” Sida aan u kala muuq duwanahay ayaan u kala aragti duwanahay” Abdiweli Garyare.

Fahamka siyaasadeed iyo hillinka lagu socdo ee ku aadan dib usoo celinta magacii dowladnimo, marka laga hadlayo ma ahan in cid gaar ah loo dan leeyahay, mana ahan in kuwa markaasi hoggaanka haya toosintooda loo qaato ” Cadaawad”. Halkii laga dhigan lahaa sahay lagu saxo wixii qaldan ee muuqda, si uusan waqti inooga khasaarin.

Waxaan hadalkaasi uga socdaa inay dadkeena laba isaga qaldan tahay ” Qof jecleysi iyo dowladnimo ” , madaxda maanta joogta waa kuwii dhaliili jiray madaxdii ka horeysay oo ay xilka kala wareegeen, marka ay dhaliili jireena waxa ay ku dhaliili jireen in isla iyagii maanta lagu dhaliilo ma ahan xumaan, ee waa xasuusin inay dariiqii isbadelka ka leexdeen.

Tusaale: Marka Madaxweyne Farmaajo oo shalay safarada Madaxweyne Xasan u yaqaanay ” kuwa lacagta dalka lagu lunsanayo ama shaqadii wasaarada arrimaha dibada uu madaxweynaha kula wareegay”, taasi oo aheyd hadal gar iyo garowsho lahaa. Kawaran haddii isaga maanta uu wixii uu diidanaa ku socdo” Saddex bil iyo 10 safar”, sow markaasi noqon meyso ” Madaxweyne adigaa inoo sheegay safarada badan inay dhaqaale lunsi tahay iyo shaqadii arrimaha dibada oo lala wareegay, adigana aad taasi ku dhaqaaqi doonin” Maxaa isbadelay oo adiga diyaarad un ku saaray?

Su’aashaasi dal dumin ma ahan, ee waa mid ka dhexeyn karta Madaxweyne iyo shacabkiisa uu xilka u qaaday.

Waxaa tiri ” Ammaanka ayaa wax ka qabanayaa” Haddana 100 maalin ee aad xilka heyso waxaa dhacay ku dhawaad 30 qarax, waxaa siyaabo kala duwan loo dilay shaqsiyaad Soomaaliyeed, haddana wasaarada Amniga iyo hay’addaha kale ee ammaanka la xiriira ilaa maanta nama soo hordhigin ” Qorshe wax looga qabanayo ammaan xumadaasi?” Maxaa diiday inaad hay’addaha kuu qaabilsan ammaanka kula xisaabtanto inay qorshe cad la yimaadaan? Si adigana ay kuugu fududaato inay shacabka kugula xisaabtamaan waxa aad ammaankooda ka qabatay? Dooda noocaasi ahna dumin ma ahan, ee waa dhisid iyo isla xisaabtan dowladeed.

Ra’iisul wasaaraha UK ayaa ololaheeda doorasho joojisay maalintii uu dhacay qaraxa magaalada Manchester, taasi oo muujineysa mas’uuliyada ay shacabkeeda u heyso, waxaana ay waqti gelisay wax u qabadka dadka dhibku gaaray iyo dabagalka cida falkaasi geysatay, halka Madaxweyne Farmaajo isaga oo safar ku maqan ay qaraxyo ka kala dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, waxaan sugeynay safarka inuu soo gaabiyo, oo uu dadkiisa la qeybsado xanuunka dhibkaasi dhacay. Waxaasi taasi badelkeeda dhacay inuu saddex dal oo dibada ah isku sii maray, oo uusan soo jaleecin dalkii.

Warbaahinta dunida waxaa kasoo muuqanayey muuqaalada qaraxyada dalka ka dhacay iyo Madaxweynaha Qaranka oo safaro dhoolaceyn ka muuqato ku kala bixinaya Sacuudi, Jabuuti iyo Qadar, Taasi sow kama dhigeyso labadaasi mas’ uul kuwa farqi u dhexeeyo? Si kale waa u dhihi kartaa oo labada lataliyayaal ee madaxdaasi ayaa malaha dhinaca fahamka ka falcelinta dhibka shacabka xilka loo hayo ku kala duwan. Waxaanse markasta lala xisaabtamayaa mas’uulka xilka loo dhiibtay.

Labadaasi tusaale ama su’aalood ma ahan qiimeynta dowlada oo dhan, ee waa tusaaleynta waxa dowlada gar loogu leeyahay ee wax laga weydiin karo, dhigaalkana ujeedkiisa ma ahan in dhaliilaha dowlada oo dhan kusoo taxo, ee waa in dadka qaar dhinac ka tuso kala aragti duwanaanta iyo isla xisaabtanka dowlada inuu furan yahay.

Dalka waa inaga dhexeeyaa, qofkastaana waxaa ku jira jaceyl uu dalkiisa u qabo, sidaasi darteed, mas’uuliyad ayaa naga wada saaran in aan wanaagiisa ka shaqeyno. Dhaliishana u qaadano toosin, ee aan loo qaadan xumeyn.

Haddiise koox iyo koox la kala noqdo, oo aan kala ahaano ” Mucaarad iyo Muxaafid” midkastaa shacabka qeyb la weecdo, waxay wiiqi doonta awoodeena isbadel-doonimo. Haddiise dhinac laga noqdo ” Wixii xun in la diido, wixiise wanaagsan la taageero” waa hubaa in horey loo socon lahaa.

Dad badan oo qoraaladeyda akhrista ayaa qoloba meel u fasiratay aragtideyda. Wax igu cusub ma ahan fasiradaasi, maxaa yeelay ilaa dowladii Carta ee Abdiqasim, midii Abdillahi Yusuf ee Nairobi, midii Shariif Shiikh Ahmed ee Jabuuti iyo midii Xasan Shiikh ee Muqdisho lagu dhisay ayaa intaasi faallooyin ka qorayey, isugu jira toosin iyo bogaadin. Mida hadda joogtana waxay iila mid tahay kuwaasi. Qofkase hadda soo hambaabiray ee u qaba dowladan un in lagu dhaliilayo qaladkeeda, waa mid u baahan inuu dib u daalacdo/milicsado wixii la soo maray, si uusan ugu hafan hirarka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Qof iyo koox gaar ah wax igalama dhexeeyaan, ee waxaa dadka oo dhan igala dhexeeya danta Qaranka, Xasan wax aan ku diiday, ma dhaceyso in aan Farmaajo ku raaco, maxaa yeelay waa madax Soomaaliyeed oo ii siman, balse ay naga dhexeyso in la is toosiyo.

Xasan markii uu dhaliili jiray Shiikh Shariif, ma aheyn dumiye, Farmaajo isagana marka uu dhaliili jiray Xasan Shiikh, laguma tilmaami jirin dumiye qaran, sidaasi oo kale ayaa dadkeena ka fikir duwan habka dowlada wax u wado aanan dumiyayaal u aheyn, ee aan u nahay wixii ay shalay ahaayeen madaxda maanta.

Qoraalkeyga waxaan kusoo xirayaa murti uu aad u isticmaalo saaxiibkeey ahna qoraa Soomaaliyeed Bashiir M. Xersi , taasi oo ah ” Sida aan u kala muuq duwanahay, ayaan u kala aragti duwanahay” . Haddiiba aan isla ogolnahay muuq kala duwaananshaheena, haddana waa in aan kala aragti duwanaanshaheena aqbalnaa.

Siyaasad inta ay jirtana waa la kala aragti duwanaan doonaa, ee qofkastow la soco in waxa kula quman ay dad la qaloocan yihiin, waxa kula qaloocana ay dad la qaab wacan yihiin.

Mahadsanidiin,
Abdiweli Ibrahim Garyare

You might also like More from author