FAALLO: MAAMULADA PUNTLAND IYO JUBBALAND EE DARISKA LA AH DAWLADA SOOMAALIYA OO QAADACEY GO’AAN KA SOO BAXEY XUKUUMADDA FEDERAALKA

Muran, mindi-mindi ku taag iyo muruq isku sheegasho ayaa ka dhex oogan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada Wadanka, arinta la isku hayo ayaa ku saabsan sidii loo qeybsan lahaa kheyraadka badda Soomaaliya, Dawlada Dhexe oo sharci ahaan iska leh jaangoynta qaabka looga manaafacaadsan karo kheyraadka Dalka ayaa soo bandhigtey hanaankii loo qeybsan lahaa nimcadda {kheyraadka} dhex ceegaaga baddeena.

Go’aan ka soo baxey Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadk Badda ee Dawladda Federaalka ayaa lagu faah-faahiyay sida uu noqonayo wax soo saarka Badweynta Hindiya, 30% daqligaasi waxaa loo qoondeeyay Dawladda Dhexe, maamul goboleedyda qeybta ka ah Federaalka ayaa loogu tala galay inay 70%-ka soo hartey si siman u qeybsadaan.

Xoog-weynayaasha Pntland iyo Jubba land oo u muuqda inay yihiin Dawlado daris la ah Soomaaliya ayaa caddeeyay inaaney Dawlada Federaalka ka aqbaleyn sida ay u dhigtey in loo qeybsado kheyraadkaasi, war-saxafaadeed ka soo baxey Puntland ayaa lagu cadeeyay in Puntland aaney u cuntameynin in Maamul Goboleedyada si siman wax loogu qeybiyo, waxayna soo jeedisay in Maamul walba wax lagu siiyo inta uu dherer ahaan ka heysto badweynta Hindiya, iyagoo dhanka kalana eedemo kulul u soo jeediyay Wasiirka Dawladda Dhexe u qaabilsan arimaha Kaluumeysiga iyo Kheyraadka.

Jubbaland oo lagu tilmaamo inay tahay maamulka labaad oo sidii Dawlad madax banaan oo kale u dhaqmaya ayaa War-saxaafadeed kooban oo ay soo saartay waxay ku sheegey inaan la aqbali Karin habka ay Dawladda Federaalka u maareynayso kheyraadka Wadanka, War-saxaafadeedka ayaa intaasi ku darey in Jubbaland ay u madax banaan tahay ka faa’iidaysiga kheyraadka baddeeda.

Haddii maamul goboleedyadii ay u qeylinayaan sidii ay u heli lahaayeen saamigooda dhanka badda ayaa is wediin waxaa mudan yaa u maqan wax maratayaasha G/Banaadir oo aan wax xaquuq ah loo ogoleyn, hubaashii daqligaasi la isku heysto waxba kuma laha hurda weynayasha G/Banaadir, ninkii seexda saciisii dibi dhal sidaasi daraadeed reer Muqdisho barkinta ay jiifaan ha iska dheereystaan halka gobolada asaagooda ah ay baadi goob ugu jiraan soo dhicinta xuquuq kasta oo ay ka doonayaan Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka eeg War-saxaafadeedka barakaysan ee ka soo baxay maamul goboleedyada u dhaqmaya inay ka madax banaan yihiin Dawladda Dhexe, sharci ahaan Puntland iyo Jubbaland ma ku saxsan yihiin arintaan mise waa ku fududaadeen?

Qormadii: Shiiqaaloow Xasan

You might also like More from author