Faallo: Askerinnimo abaal ma leh!

Askerinnimo abaal ma leh!

Sawirka ay ka muuqato Faa’iso, waxa uu ayaan dhexe ii ahaa (cover) wuxuuna noqday, sawirkii ugu KIKE (ka helid) badnaa bishii tagtay.

Ka heliddaa badan, labo arrin ayaan ka gartay:
(1) in aragtidii WAHAABIYADDA ee carabeynta bulsho, gaar ahaan gabdhaha aysan guulaysan. Arrin farxad leh iyo yididiilo. (2) in;

“Dadku dawladnimo
Diyaar waw yehee
Duulkii qabtoo
Loo doorto baan
Daaddihin aqoon!

Dadku dawladnimo
Waa danaynayaa
Duulkii masuul
Duudka u ritaan
Daacadnimo dhaqmayn!”

Ayaandarrada dawladnimaduse waa marka ay maamul iyo maarayn timaad, kasmoxumadeeduna waa marka ay hoggaan iyo hoggaamin joogto.

Sawirkaa iyo sawirro kale, oo hoos ka muuqda, Faa’iso waxaa la galay madaxdan cusub. Runtii aad ayey ugu faraxsaneed, oo dareen cabbirkeeda iyo aragti gudbinteeda maalmahaa ayaa laga garanayey.

Taa keli ku ma ahayn Faa’iso, ee dad badan, oo sideeda oo kale dareensami ku qaabilay ayaa jiray, si ballaaranna ugu wadaajiyey baraha bulsho xiriir.

Faa’iso waa askariyad ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Waxay dhaacantay, iyadoo ku gudajirta waajibkeeda qaran iyo hawl ay ku difaacyso dadkeenna iyo dalkeenna.

Dhaawaceedu ma ahayn mid fudud, oo wuxuu ku aruuriyey kursifadhi, illeyn qaarkeeda dambe iyo dhabarka ayaa wax ka gaareene.

Dawladdii hore ayaa u dirtay Turkiga, sidoo kale, samojeclayaal badan ayaa u qaaraamay, in loo gado kursiga ay ku fadhido, oo haddii aanan qaldanayn shan kun laga baxshay.

Soo laabadkeedii waxay la kowsatay madax cusub, malaha sida dad badan u laab keceen ayey is tiri: kuwan ayaa kuu dhaamidoona kuwii hore! Ayaandarro ma dhicin.

“HUB KA DHIGISTA” rasmiga ah waa tan oo kale;
Rajodilid! Damiirdhaawicid!

Qofka labadaa ku dhacaan hubkii ugu adkaa ee uu lahaa ama haystay ayaa laga dhigay! Waliba hub ka dhigid kaliya ma ahane, qof la dilay waxba ma dhaamo!

Marka cabashada iyo codsiga Faa’iso ka dib, dhallinyartu, in ay ASKAR noqdaan, ma u cuntantaa? Ani ahaan maya ayey i la tahay. Sabab?

Hadduu gef yar ka dhaco, waa MOORYAAN aan dhaqan ciidan iyo haybad askerinnimo lahayn sidii aan aragnayba.

Mar kale, haddii uu geeriyoodo, isagoo hawlgal qaran ku jira, cid uu u tirsan yahay ma jiro.

Tan u dambaysa, haddii uu dhaawacmo isaga oo hawl qaran ku jira, kaba soo qaad middan sida gurracan loogu sheegay HUB KA DHIGISTEE, sidaa Fardawso ayaa meelxun u dambayndoonta. Alla xanuun badnaa!

Tani caddayn ha kuugu fillaato, in ujeedka sawirro badan loo galo in aysan kormeermid, kaalmayn iyo kafaaloqaad ahayn, ee ay tahay ismuujin, ha lagaa sheego iya IGU SAWIR!

“Muhdiyohow mamaayaa
“IGU SAWIRTA” mooyiyo
Marras sawirro la la galo
Mudgi laga ilaaliyo
Loo yeelo midabboo
Mid mid loo adeegsado
Marna miidiyaha iyo
Meelaha mujtamaciyo
Marimmada dadweynaha
Lagu wada marriimaa
Magac lagu ma yeeshoo
Mabda’ qaran ma noqotee
Maxaa maato loo qaban?.

Madaxtooyo dhayliyo
Haddii miidda lagu cuno
Macmacaanna lagu cabo
Masaakiinta baahane
Muuqaalkooda murugtale
Laysku masawiraayaa
Maal adduunyo mey lahan
Miro beerna u ma bixin
Manfac dowladeed iyo
Mushaaraadna may helin
Cid kaloo masruuftana
Weligoodba mey arag!

Mariid madax ku sheggaan
Sawir maalinlaha badan
Meel kastaba ku gelayaa
Waa mar qura na sheegiyo
Soo is muujin kaligood
Muuqifkiyo go’aankuna
Waa meermeerin dhagareed
Iyo been is maqashiis.”

Waxaa marag ma doonto ah, in madaxda maalin walba lacago xad dhaaf ah ku baxdo ayna bixiyaan, sida ay u helaan, marka haddii damiirkoodu siin waayo, in qayb ka mid ah lacagahaa ay wax ugu qabtaan marrasta, danyarta iyo inta dadka ugu nugul, ee haddana dawladnimada ay ku tookhaan adeegisteeda u waxyeelloobay, hubaal, in ay yihiin DAWLAD DAYAC!

Gabarnimo ku ma tixgelin, garaaddaheeda ku ma tixgelin, gunnadeeda ku ma tixgelin, gacanhoorsi ku ma tixgelin! Alla garaad iyo garashoxumaa! Gunnimo!

“Maahmaahahaa qoran
Qasadkaan ka leeyahay
Qolofta iyo diirkiyo
Qobka aan ka qaadee
Qiyaasteydu waxay tahay
Qaarka sare qurxoonaha
Salka qabada ku la jira
Hadduu adiga qabar li’i!
Qalbigaaga garashada
Qoofal iyo qataar iyo
Qunful bira ku soo xiray
Ani i ma qatali karo!”

Maansadii: QIIRO!

https://bilediraac.wordpress.com/2017/02/12/maansada-qiiro/

Fadlan, qofkii awooda, itaalna haya ha gacanqabto gabadhaa maanta nooga baahan garabgal iyo gacalnimo u muujin.

“Ifkaa laysu turaaye
Iilka lays ma gargaaro!”

Waa la MURRUGAY!

Qormadii Bashiir M. Xersi

You might also like More from author