Ciidamada Badda Mareykan oo tijaabiyay hub nooc cusub ah

Ciidamada Mareykanka ayaa markii ugu horeysay tijaabiyay hub nooc cusub ah, kaasi oo ku shaqeynaya (Ileys) Laser isla markaana laga hagayo qaarad ka qaarad, waxaana la soo bandhigay qaabka uu u shaqeeyo hubkaasi oo loo adeegsado gantaalo nooc walba leh.

Madaxa maamulka Hubka Cale Hughes oo ka hadlayay tijaabada hubkaan casriga ah ayaa sheegay inuu leeyahay awood sareysa isla markaana qorigiisa ku rakiban markab dagaal, kaasi oo muuqaalka la soo bandhigay isagoo duqeynaya goobo bar tilmaameed ah.

Qalabka uu ku shaqeeyo hubkan casriga ah waxaa ka mid ah diyaaradaha Drones-ka loo yaqaano ee kaligood is wada, isagoo sawiro ka qaadaya goobaha bartilmaameedka ah isla markaana geysanaya burbur baaxadiisu weyn tahay.

Dhinaca kale qorigaan ayaa isagu leh radaar u gaar ah, kaasi oo si otomaatik ah uga hortegaya gantaalaha ku soo socda, waxayna saraakiisha Mareykanka sheegeen in lagu guuleystay tijaabada hubkaan casriga ah.

You might also like More from author