Bishaaro, Bacshuush iyo Bushi.

17

BISHARO.

Cudurka Cholesterol ee keena wadna xanuunka iyo inay xirmaan xididada dhiiga qaar waa ku sii badanayaa Soomaaliya , waxaana keena sababa aad iyo aad u badan oo ay ka mid tahay xaalada jahawareerka ee deegaanka qofku ku nool yahay.

Markii aan imid isbitaalka ugu weeyn Mumbai- dalka Hindiya ee cudurkan la tacaalo,waxaan u sheegay in mudadii koobneed ee usbuuca ka yareed ee aan xamar ka soo maqnaa ,qof aan ka soo tagay asaga oo caafimaad qaba mar kaliya uu wadnuhu istaagay isla cudurkan. Somalidana uma suura galeeyso in ay halkaan caafimaad u wada yimaadaan arrima dhaqaale iyo Visa-ha. Waxaan ka codsaday in qayb ay ka furan Afrikada barri. 4/5/2017 ayeey ii yeereen waxa ayna ila kulansiiyeen khabiir ay u dirayaan dhowr wadan oo somaliya ku jirto ,si ay isbitaal uga furan halkaa, isla habeenkiina safarkii ayuu aaday khabiirkii. Arrintaana iyaga iyo dad somali ah ayaa hore u sii waday sida ay ii sheegeen, dadkaa somalida ah ee howshan iyo ka fekerkeedaba iiga horeeyay waan u mahad celinayaa.

BACSHUUSH.

Taariikhdu markii ay aheed 5/5/2017 .4pm ,saacada Mumbai waxaan joogay . City Civil and Sessions Court…Kala Ghoda, next to Mumbai University. (( COURT ROOM .No.42 )). Oo maxkamad lagu saarayay in ka badan 100 dhalin yaro Somali ah oo lagu soo eedeeyay burcad badeed nimo,maxkamadda kadib waxaan arkay qareenadii ajnabiga ahaa ee difaacayay ee kuwa dacwada ku soo oogayay.

Waxaa dadaal weyn muujinayay xubna ka socda safaarada somalida ee Delhi oo dacwadan darteed halkaan u yimid.Hadeeyna talaabo toos ah iyo xiriir dhinaca siyaasada ah ayna safaaradu ka helin dowlada somalida ,waxaa ii muuqda Bacshuush & mustaqbal dhalinyaro oo dhumayo.

NB. Waxaan doonayay in aan maantana mar kale tago maxkamada laakin ,daqtarkeeyga iyo saxiibada safaarada iyaa ii soo jeedayay in ayna caafimaad ahaan suura gal ii aheeyn in muddaa dheer aan dhax joogo qolka dacwada N0.42.

BUSHI.

Shalay iyo maanta, waxaan Mediyaha ka arkayay,taageerayaal jadbeeysan iyo Mucaarad jadbeeysan ,oo jadbadii siyaasadeeynaya kuna daartay jadbadii madaxdii iyo magaaladii. Arrintani uma roona dhinacyada oo dhan.

Badana si miir la aan ah ayeey dhinacyadu uga doodayeen Xil ka qaadis la sameeyay, sharci ahaanteeda,iyo u qiil raadinteeda… aan is dajino arrintana ha loo dhaafo barlamaanku sida ay u arkaan xalka iyo waxa sharcigu ka qabo.

Ogow: In ay jiraan xilal uuna madaxweeyne qaadi Karin, mid ayna golaha wasiiradu qaadi Karin, mid Baarlamaanku uuna qaadi Karin,kuwa ay qaadi karaan,kuwa ay magacaabi karaan. Arrin kasta waxa ay leedahay xaalad iyo waddo loo maro.haddii kale bushiga ka dhasho dhinacyada oo dhan isku si ayuu u saameeynayaa.

Walaalayaaloow, si miyir qab ah All of the finest Fluoxetine deals are gathered at our store, and you can take advantage of it right now! Buy your medicine for only 0.44 USD and save on your purchase! ha loo fekero. Walaalkaa oo aad saaxiib ka dhigan karto cadaw haka dhigan. Danta guud ayaa noo ballan ah, dhalinyarooy, dhailnyarooy,ha noqon musmaar darbi kasta lagu garaaco illaa uu af beelo,hadaadan wax wanaaji karin walba wax ha ku dheelin .

Qore: Yahya Amir

You might also like More from author