18-KA MAY WAA MAALIN MADOW OO MIDNIMADII SOOMAALIYA LA KALA GOOYEY.

18-ka May kama duwana maalmaha caadiga ah ee sannadku uu ka kooban yahay, waa maalin uu ALLE leeyahay hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba maalintaasi, qaar ka mid ah shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobollada Waqooyiga Soomaaliya maanta waa u Ciid, fantasyo, dabaal deg iyo isu hambalyeyn ku aadan xuska 26- guuradii ka soo wareegatey goosashadii Somaliland ayay mashquul ku yihiin.

Fikir ahaan wallaalahaasi waxay rumaysan yihiin in 18-ka May ay tahay maalintii ay la soo noqdeen madax-banaanidooda, aragti taasi ka duwan waxay aaminsan yihiin inta badan shacbiga Soomaaliyeed oo rumeysan in 18-ka May ay tahay maalin Madow oo Midnimadii Soomaaliya la kala gooyey.

Kala aragti duwanaantaasi ayaa soo bilaabatey 1991-kii, xilligaasi ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo odayaashii dhaqanka ee Waqooyiga Soomaaliya waxay ku dhawaaqeen goboladda Waqooyi ee Soomaaliya in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, 26-sanno ayaa maanta ka soo wareegtay waqtigii ay Somali-land Sheegatey in ay tahay Jamhuuriyad madax-banaan, sannad waliba marka la joogo maanta oo kale deegaanada Waqooyiga Soomaaliya waxaa laga xusaa maalinta 18-ka May oo la sheego in ay ku asteysan tahay gooni isu taaga Somali-land.

Tirsi ahaan ma yara rubac qarni sannadood, sannadahaasi oo dhan walaalaheena Waqooyiga Soomaaliya waxay raadinayeen Ictiraaf ama Aqoonsi balse weli ma aynan helin, mana muuqato dariiqii ay arintaasi ku heli lahaayeen, hamigii ay qabeen reer Waqooyigu sanadkii 1991-kii ee ahaa haddii ay goostaan in ay caalamka soo dhoweyn ka heleyaan taasi waa lagu hungoobay, shacbi badan ayaa maanta qoomamo ka jooga gooni isu taagii lagaga dhawaaqay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Inkastoo aanay Somaliland weli helin aqoonsi, hadana waxaa dhab ah in ay samaysatey Maamul iyo Nabad geliyo lagu faani karo, isbedel aad u xoog badan oo xaga nolosha la xiriira ayaa ka taaba galey deegaanada Somaliland tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii Soomaaliya, rabitaanka dadka reer Waqooyigu waa kala duwan yahay, qaar baa weli ku dhegan in ay goostaan, halka kuwo badana ay ka jecel yihiin in la soo celsho Midnimadii Soomaaliya, bacdamaa uu socon waayay Gooni isu taaagii goboladaasi.

Haddii Waqooyiga Soomaaliya maanta laga weyneynayo 18-ka May, dhanka gobolada Koonfurta, Bartamaha iyo Galbeedka Soomaaliya lagama aqoonsano xuska maalintaasi, waxayna u arkaan 18-ka may in ay tahay maalinta ugu ayaanka daran maalmaha sannadka, iyagoo taasi sabab uga dhigaya dhaawicii maalintaas loo geystay wadajirkii iyom israacii goboladii Waqooyi iyo kuwii Koonfureed ee Soomaaliya ee sannadkii 1960-kii.

Shaley…. maanta ma aha…, xaqiiqdii fikirkii goosashada ee car-carta qabay 1991-kii haatan wuxuu u muuqdaa in uu si iskiis isaga sii shiiqayo, waxgaradka iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Awdal iminka waxay doonayaan Midnimo, qorshohooduna waa sidii ay ula midoobi lahaayeen walaalahooda kale ee Soomaaliya ku dhaqan, hadafkooduna wuxuu ku saleysan yahay KALA GO’ MAYA — MIDNIMO HAA….

Soomaaliya waa mid, mana kala maaranto, dadka Soomaaliyeedna waa ummad dhan walba ka midaysan, suurtagalna ma aha in la kala goo-gooyo, adduunka waxaa There’s no need to spend your time looking for a cost effective solution for your Amaryl! Purchase it for 0.67 USD right now! laga aqoonsan yahay in ay Soomaaliya tahay hal (1) qoys oo aan kala maarmin.

Waa nasiib darro dad sheeganaya siyaasiyiin in ay horseed ka noqdaan sidii ay Soomaaliya u kala qayb-qaybin lahaayeen, runtii, Midnimada Soomaaliya waa Muqadas, mana jirto cid gor-gortan lagala galayo, bacdamaa Midnimadu ay tahay lama taabtaan, xiliyada soo socda waxaa la rajeyneyaa in ay baa-ba’do, maalinta ay Soomaalidu u aqoonsan tahay maalinta madoow ee 18ka May, dibna la isugu yimaado illaahey idinkiis todobaadka maalmaha xuriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

WD: C/laahi Xasan Axmed Shiikhaalow

You might also like More from author