Yoweri Museveni “Soomaaliya caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan waa Al-Shabaab..”

Madaxweynaha Dowladda Uganda ayaa sheegay If you are in need of a cost effective solution for your Lynoral purchase, we are the one to provide it! We offer Lynoral only for 1.46 USD! inay muhiim tahay in dalalka Caalamka ay u soo jeestaan dagaal ka dhan ah  Al-Shabaab oo ka dagaalama Soomaaliya.

Yoweri Museveni ayaa sheegay in Soomaaliya caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan ay tahay dagaalka Al-Shabaab, isagoo ku hanjabay in dowladda Uganda ay laba jibaarayso Ciidamada ka jooga Soomaaliya si ay dagaal ula galaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowladda Uganda ayaa sidoo kale sheegay in madaxda Soomaalida laga doonaayo inay dhisaan ciidan Qaran oo hanan kara ammaanka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa waxay ka mid tahay dalalkii ugu horreeyay ee gurmad Ciidan u soo diray Soomaaliya, islamarkaana ay sii wadi doonaan taageerada Ciidan ee ay Soomaaliya siiyaan tan iyo inta ay ammaan noqonayso Soomaaliya.

Dhanka kale Yoweri Museveni ayaa ugu dambeyntii Sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto ,islamarkaana ay ka maaranto gacmo shisheeye

You might also like More from author