XOG HOOSE: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kulan xasaasi la leh waxgaradka uu ka soo jeedo xeer ilaaliyaha Qaranka

Waxaa weli taagan xiisada ka dhalatay falkii lagu dilay Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u dhiska Cabaas Siraaji iyo xil ka qaadistii hanti dhowraha guud ee Qaranka Nuur Cali Faarax oo ilaaladiisa lagu eedeynayo falka dilka ah.

Ammaanka You can get your Sildalis at the most affordable price here! Buy it only for 1.44 USD with us now! wadada u dhaxeysa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ilaa iyo Km4 ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo shir albaabada u xiran uu Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre kula qaadanayo guri halkaasi ku yaala.

Arrimaha ugu waaweyn ee laga wadahadlayo ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii hab wada xaajood ah loogu dhameyn lahaa arrimaha dilka Wasiirkii Howlaha guud Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in odayaal ka socda beesha uu ka soo jeedo Wasiirka la dilay iyo waxgaradka Hanti dhowrka guud ee Qaranka ay ku soo afjarayaan arrimaha dilka, halkaasi oo uu Ra’iisal Wasaaruhuna goob joog ka noqonayo.

Dhinaca kale Beesha Habargidir ee uu ka soo jeedo Hanti Dhowraha guud ee Qaranka Nuur Cali Faarax ayaa Ra’iisal Wasaaraha kala hadlaya xil ka qaadistiisa, iyadoo kulankaan uu ku soo beegmayo xilli maxkamadda ciidamada loo gudbiyay laba ka tirsan ilaaladiisa oo ku eedeysan dilka Cabaas Siraaji.

You might also like More from author