Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya oo qalab guddoonsiiyay iskuuladii ugu badnaa + Sawirro

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan GOS, dalladaha dugsiyada Banadir Zone faracyadiisa kala duwan ee ku firirsan xaafadaha gobolka Baaadir, Dalladda maalgelinta dugsiyadda Makka Al-Mukarama, ardayda dugsiyada waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Xiriirada GOS Xaaji Colow iyo Guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad ku saabsan waxtarka ay leedahay barashada ciyaarta Chess-ka, iyagoona ugu Don’t waste your time looking for affordable anafranil deals anymore, because you’ve found it – buy your medicine for 0.44 USD now! hambalyeeyay Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Md. Axmed Xasan Cabdi Wataac dhabar adeyga uu muujiyay sidii loo meel marin lahaa barashada ciyaarta Shataranjiga tan iyo markii la asaasay xiriirkaasi.

Intii ay socotay munaasabaddaasi ayaa waxaa la soo bandhigay taariikhda ciyaarta Chess-ka iyo heerarkii ay soo martay, gaar ahaan doorkii ay ku lahaayeen madaxda caalamka horay u maray qaaradaha adduunka iyo hadalladii ay ka jeediyeen hoggaamiyeyaasha caalamka sida dalka Ruushka, Mareykanka, Ingiriiska, Midowgga Yurub, Aasiya iyo Afrika.

Waxaa kale oo halkaasi khudbad ka jeediyay xoghayaha guud ee ururka ciyaartoyda Chess-ka Somalia Maxamed Cali oo ku ammaanay xiriirka Shataranjiga Soomaaliya oo ku garab istaagay taageero iyo hirgelinta ururkooda isla markaana ka taageeray dhinacyada horumarinta iyo aqoonsiga Xiriirka Olombikada.

Guddoomiyaha xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Axmed Xasan Cabdi Wataac oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan ayaa waraaqaha aqoonsiga siiyay wakiilada dugsiyada waxbarashada Banadir Zone iyo dalladda Maka Al-Mukarama, kuwaasi oo tiradoodu gaareyso ilaa 6-Iskuul oo ku yaala magaalada Muqdisho.

“Maamulada iskuulada waxaan ka codsanayaa inay qalabkaan ku soo saaraan ciyaartoy yaqaana Shataraniga” ayuu yiri Guddoomiyaha xiriirka Shataranjiga Axmed Xasan Cabdi Wataac oo ku booriyay iskuulada qeybta ka ah xiriirka Sharatanjiga inay xafidaan isla markaana ardayda uga faa’iideeyaan qalabka la siiyay.

Dhinaca kale Guddoomiye Wataac waxa uu faahfaahin kooban ka bixiyay faa’iidooyinka ay ardayda u leeyihiin barashada ciyaarta Shataranjiga, isagoona sheegay in 50% ardayga bartay ciyaarta Shataraniga uu ka wanaagsan yahay midka aan baran kuna baasayo imtixaanka.

You might also like More from author