Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaank Soomaaliya oo ku biiray Baarlamaanka Pan-Afrika

Ilwareed Online

4 ka mid ah XIldhibaannada Golaha shacabka ayaa shalay xubin ka noqday Baarlamaanka Pan-Afrika ee ay xubnaha ka yihiin Baarlamaannada Dalalka Afrika.

Shirkan oo shalay ka furmay Magaalada Johannesburg ee dalka South-Africa.waxaa furay Madaxweynah Dalka Koofur Afrika Jocob Zuma,waxaana ka qeyb galay XIldhibaannada xubnaha ka ah Baarlamaankan ee ka socda Baarlamaannada Qaaradda Afrika.

Magacyada XIldhibaannada ku biiray Baarlamaanka Pan-Afrika ayaa kala ah; Xildhibaan  Lutfi Shariif Maaxamed,Xildhibaan C/Xakiin Macallin Axmed,Xildhibaan Idiris Cabdi Taqtar iyo Xildhibaanad Yaasmiin Xuseen Maxamed.

Xildhibaannada ayaa lagu dhaariyay hoolka uu kulanka ka socday waxaana dhaartaas marayay Xildibaanno ka socday Dalka Lesotho,kuwaas oo yina lagu dhaariyay kulanka 5aad ee Fadhiga Baarlamaanka Afrika.

Xildhibaannada Soomaalida ah ee Afarta ah,waxaa  ay Baarlamaanka Soomaaliya ku matali doonaan Baarlamaanka Qaaradda Afrika ee fadhigiisu yahay Dalka Koofur Afrika.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaank Soomaaliya oo ku biiray Baarlamaanka Pan-Afrika appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author