Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu garaacay Cadaado + Sawirro

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta kulan ay lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka uu ka dhacay buuq kadib markii ay dagaalameen Xildhibaano katirsan Maamulkaasi.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Geelle ayaa is hortaag ku sameeyay kulanka Baralamaanka, waxa uuna Xildhibaanada u diiday in ay gudaha u galaan hoolka ay ku shiri lahaayeen oo kuyaala xarunta Madaxtooyada.

Xildhibaan Geelle oo kamid ahaa Xildhibaanadii mucaaradka ku ahaa Madaxweynihii Galmudug ayaa la sheegay in uu kasoo horjeeday in kulanka Baarlamaanka uu shir Gudoomiyo Gudoomiyaha Baralamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Xildhibaan kale oo katirsan Baarlamaanka Galmudug oo ka carooday ficilka uu sameenayay Xildhibaankan, waxaana la sheegay in uu dagaal la galay uuna halkaasi ku garaacay, Xildhibaan Geelle ayaa dagaalka ku waayay mid kamid ah ilkihiisa.

Ciidamada Amaanka iyo Xildhibaano ayaa markii dambe ku guuleestay in ay kala qabtaan Xildhibaanada dagaalamay, waxaana markii dambe xaalada noqotay mid caadi ah iyadoona kualnka uu u qabsoomay sidii loogu tala galay.

Labada Xildhibaan ee maanta ku dagaalamay xarunta Madaxtooyada Galmudug ayaa la sheegay in ay yihiin qaraabo ayna kasoo wada jeedaan magaalada If you are in need of economic solutions for your cytoxan purchase, you can find them at our store, as we sell it for only 1.64 USD! Act today and don’t miss your chance! Cadaado oo hada ah xarunta KMG uu ku shaqeeyo maamulka Galmudug.

You might also like More from author