Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

Isbitaal kuyaala Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa ku geeriyooday Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo katirsanaa Baarlamaanka Maamul goboleedka Make sure that you check our isoniazid offers, because you can get it for only 0.53 USD at our store! Puntland .

Xildhibaanka ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qarax 10-kii bishan gaarigiisa loogu xiray xili uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland iyo Ehelada marxuunka ayaa wada dadaalo meydka Xildhibaanka loogu qaadayo deeganadaa Puntland si halkaasi loogu aaso.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxa lagu dilay Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan , Al Shabaab ayaana horey u dishay masuuliyiin iyo saraakiil kale oo katirsan Al Shabaab.

You might also like More from author