Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Muqdisho lagu dilay

Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu dilay isgoyska Al-Baraka ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay Can’t find your Atrovent at an affordable price? You don’t need to search anymore, ‘cause you can buy it right here only for 36.08 USD! weerareen saddex nin oo ku hubeysan bastoolado.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Dheereeye ayaa ku geeriyooday goob laga dukaameysto oo markiisii hore uu ku sugnaa.

Kooxihii ka dambeeyay dilka xildhibaanka ayaa isaga baxsaday halkaasi, iyadoo daqiiqado kaddib ay halkaasi soo gaareen ciidamada ammaanka, kuwaasi oo qaaday marxuumka la dilay.

Falalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya maalmahaan magaalada Muqdisho, xilli Dowladda Federaalka ay isbedel xoogan ku hagaajineyso amniga caasimada dalka isla markaana dhowaan loo sameynayo ciidamo gaar ah.

You might also like More from author