Xeer ilaaliyaha: “Canshuuraha Kasoo Xarooda Garoonka Diyaaradaha Waxa Ay Ku Dhacaan Shaqsiyaad”

Xeer ilaliyaha guud ee Qaran Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay jiraan caqabado hareeyay qaadista canshuuraha kasoo xarooda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,taa oo uu ku sheegay in ay ku dhaceyso shaqsiyaad.

Axmed Cali Daahir ayaa soo hadal qaaday hanaanka qaadista Canshuuraha iyo sida loo maareenayo, waxaana uu tilmaamay in isaga uu arkay lacago kaash ah oo ay gacanta ku Don’t waste your time searching for cheap Trental! You can buy it for $0.74 right now! hayaan shaqsiyaad.

Wasaarada Maaliyada ayuu u jeediyay in ay wax ka qabato nidaamka lacagaha kaashaka ah ee casnshuur ahaan usoo xarooda iyo dadka si toos ah lacagtaa ay u gaareyso.

Hadalkaas ayuu ka sheegay Munaasabad Maanta ka dhacay xarunta wasaarada Maaliyada oo uu ka qeyb galay Raisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mahdi Axmed Guuleed Qadar.

You might also like More from author