Xayiraadii saarneyd garoonka diyaaradaha cadaado oo maanta laqaadey

Ilwareed Online

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray wareegto uu xayiraada uga qaadayo garoonka diyaaradaha Cadaado oo maalmihii la soo dhaafay laga joojiyay diyaaradihii ka imaanayay magaalada Muqdisho.

Xayiraada laga qaaday garoonka diyaaradaha Cadaado iyo garoomada kale ee Galmudug ayaa ka dmabeeyay, kaddib markii baaq ka soo baxay Odayaasha iyo waxagaradka degamda Cadaado oo ay ku baaqeen in la furo garoonka.

Afhayeenka Maamulka Galmudug C/llaahi Xaashi Roob Da’ay ayaa sheegay in xayiraadii garoonka Cadaado ay maanta dhamaatay, Madaxweynaha uu fasaxay, wixii hadda ka dambeeya ay diyaaradaha ka soo degi karaan.

Tallaabada lagu xayiray in diyaarado ka soo dagaan Cadaado ayaa ka dambeysay, markii uu cirka isku shareeray khilaafkii Madaxda Galmudug, waxaana xayiraada diyaaradaha ay saameyn ku yeelatay wafdi ka socday Xildhibaano iyo Wasiiro oo todobaadkii la soo dhaafay ku xayirmay garoonka Muqdisho.

Dhinaca kale diyaaradii u horeysay ayaa ka soo duushay garoonka Cadaado, waxaana ay soo qaaday wafdigii Xildhibaanada labada Gole ee todobaadkii hore u tagay waan waanta xiisada Galmudug, waxaana Xildhibaanada ay maanta dib ugu laabteen magaalada Muqdisho.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Xayiraadii saarneyd garoonka diyaaradaha cadaado oo maanta laqaadey appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author