Xarunta maamulka magaalada Gaalkacyo oo maanta xiran (Waa maxay sababta?)

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxa ay sheegayaan in ay xiran yihiin xarumihii ay ku shaqeyn jireen Maamulka Gobolka Mudug ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa xiran xarumihii ay ku shaqeyn jireen Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Puntland u qaabilsanaa gobolka Mudug.

Sababta Keentay ayaa lagu sheegay in tahay Cabsi laga qabo in ciidamo gadoodsan oo Mushaar la’aan ka cabanaya ay tagaan Xarumaha ,islamarkaana ay la wareegaan.

Ciidamadaasi ayaa ku wargeliyay masuuliyiinta xarumahaasi inaysan furi karin goobahan, sidoo kalena wax shaqo ah aysan ku qaban karin, hadii kale ciidamada ay la wareegayaan.

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ku Are you in need of cheap emsam, but unable to find it? Buy in for just 1.37 right here! sugan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Gabi ahaan in ay xiran yihiin xarumihii maamulka ,islamarkaana aysan ka socon wax shaqo ah.

You might also like More from author