Xagjiriin Kenyaati oo la sheegay inay Shabaabka ka cawiyaan fulinta Weerarada ka dhaca gudaha Kenya.

Dowlada  Kenya ayaa si buuxda u cadysay in dagaalyahano xagjir kenyaati ah ay ka caawiyaan Al-Shabaab fulinta weerarada lagu bartilmaameedsado ciidamada Kenya ee ka dhaca xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Xagjiriinta kenyatiga ayaa ah kuwa si heer sare ah loo tababaray oo ay wehliyaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale tan iyo bishii May waxaa la dilay 32 quf oo ay ka mid yihiin 18 sarkaal oo ka tirsan ciidamada difaaca Kenya, Simiyu Werunga  oo ah mid kamid ah ciidamada Kenya ayaa sheegay in cabsi iyo dhibaato weyn uu ka qabo dagaalyahanda Kenyatiga ah ee ka tirsan Al-Shabaab wuxuuna cadeeyay in khatar weyn ku yihiin ammaanka Kenya.

The post Xagjiriin Kenyaati oo la sheegay inay Shabaabka ka cawiyaan fulinta Weerarada ka dhaca gudaha Kenya. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author