Xafladii M/Farmaajo loogu diyaariyay dalka Suudaan oo la baajiyay,

Xafladii jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sudan u diyaaarisay Madaxweynaha Soomaaliya  Mohamed Abdullahi Farmaajo oo baaqatay,

 

Qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ku dhaqan dalka Suudaan oo isku hawlay diyaar garow  aad u xoogan, si ay madaxwaynaha ugu  soo dhoweeyaan   Suudan una muujiyaan taageerada buuxdo ee loohayo,  ayaa marqura ka war helay in Munaasabada labaajiyay,

 

Masuuliyiinta Safaarada soomaaliyeed ayaa jaaliyada usheegay in Madaxweynuhu daalanyahay isla markaasina  suurtagal ahayn  in ay xafalada dhacdo, “waa muhiim in uu jiifto odayga,Safarna wuu soogalay, shirna wuu laqaatay dhigiisa, marka ma hadli karo madaxwaynaha naga raali noqda,” waxaa sidaasi yiri mid kamida masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi Suudaan oo jaaliyada lahadlay.

Arinkasn ayaa walaac ku abuurtay jaaliyada iyo ardayda soomaaliyeed ee isku soo duwan qabanqaabada munaasabadaan  lagu soodhaweyn lahaa madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdulaahi Farmaajo

 

 

Dhinaca  kale hadii ay baaqato xafladan laga sugayay Madaxwsynaha in uu   jaaliyada kula hadlo ayaan waqti kale oo  lagu badalo loo haayin,  sida ay sheegeen Masuulitiinta madaxewaynaha uqaabilsan dhanka Baratakoolka ,

 

waxay u eg tahay in laga maarmay jaaliyada soomaaliyeed  madaxwaynahooga oo ay muddo sugayeen u diyaariyay soodhowayn qurux badan.

The post Xafladii M/Farmaajo loogu diyaariyay dalka Suudaan oo la baajiyay, appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author