Xafiiska Madaxweyne Faramaajo Maxaa Ka Qaldan?

Ilwareed Online –

Farmaajo xafiiskiisa, Tan Iyo Markii Madaxweyne Loo Doortay Maxamed Cabdulaahi Faramaajo. Waxaa Iska Soo Daba Dhacayay Wareegtooyin Lagu Magacaabayay Xilal Kala Duwan,Kuwaas Kuwaas oo Aad u Muuqday Xilal Ku Kooban Madaxtooyada Uun.

Halkii Laga Sugaayay In Ay Xafiiska Madaxweynaha Ka Soo Baxaan Kuwo Kale oo Ka Muhiimsanaa Kuwa Hada uu Soo Saaray.

Mida Kale Waxaad Moodaa In Xafiiska Madaxweyne Faramaajo uu Ka Dhintay Dhinaca Xoghaynta Iyo Paratalooka Ayna Shaqadoodu u Muuqato Hal Ku Dhigihii Ahaa Maxaa Iga Galay Ama Wadadii Fashilinta Madaxweyne Faramaajo,Sidaa Darteed Aqristow Bal Nala Arka Wareegto uu Soo Saaray Madaxweyne Faramaajo Uuna Hal Xil oo Is Leh Ugu Magacaabay 3 Ruux Kuwaas oo Wada Ah La Taliyaha Madaxweynaha Xagga Siyaasada,Ma Wareegtada Ayaa Ah Kuwo Aan Is Waafaqsaneyn oo Qaarkood Ka Soo Baxay Hallka Ay Somalidu u Taqaano Cabdala Shideeye Mise Xafiiska Madaxweynaha Ayaa Qaldan,Sidaa Darteed Waxa Aan Madaxweyne Faramaajo Kula Talinayaa In uu Si Taxadar Leh Isaga Eego Waxa Ka Soo Baxaya Xafiiskiisa Inta Aysan Warbaahinta Soo Gaarin,oo Aysan Noqon Barako Ma leh.

Fadlan Halka Hoose Ka Aqriso 3 Ruux Ee Loo Magacaabay La Taliyeyaasha Madaxweyne Faramaajo Dhinaca Siyaasada,

1-Prof Nuur Diiriye Fuursade, La Taliyaha Madaxweynaha Ee Siyaasadda

2-Cabdirisaaq A.Xasan (Durqun) La Taliyaha Madaxeynaha Ee Siyaasada

3-Maxamud Axmed Nuur (Tarzan) La Taliyaha Madaxweynaha Ee Siyaasada.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Xafiiska Madaxweyne Faramaajo Maxaa Ka Qaldan? appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author