Xaalad Deg Deg Ah Oo Lagu Soo Rogay Gobolka Togdheer Ee Soomaaliland

Maamulka Gobolka togdheer ee Soomaaliland ayaa goordhow xaalad deg deg ah ku soo rogay Gobolkaas kadib kulan ay la qateen waxgaradka iyo Bulshada qeybahooda kala duwan ee ku nool gobolkaasi togdheer kadib Xanuunka Shuban Biyoodka oo ku soo kordhay.

Kulan ayaa Maanta yeesheen Maamulka Gobolka iyo kan Magaalada Burco ayaa waxa ay ku Go’aamiyeen in la qaado talaabo looga hortagayo Cudurka iyo sidii Bulshada ay iskaga kaashan lahaayeen Caawinta dadka uu Cudurkaas hayo.

Sidoo kale Maamulka Gobolka iyo Bulshada ayaa dhamaan fasaxay Goobihii waxbarashada sida dugsiyada Quraanka iyo kan Maadiga intaba,waxaana la shaaciyay in cid walba oo soo galeysa gobolka Togdheer iyo Caasimada Burco baaritaan dhanka Caafimaadka ah lagu sameeyo.

Xaaladaan deg deg ah ee Gobolka Togdheer lagu soo rogay ayaa ka danbaysay kadib markii ay adkaatay xaaladda magaalada Burco isla markaana uu xanuunka Shuban Biyoodku soo ritey dad aad u tiro badan halka ay sidoo kalena bilaabatay dhimashada dadka.

The post Xaalad Deg Deg Ah Oo Lagu Soo Rogay Gobolka Togdheer Ee Soomaaliland appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author