Weriyaasha Puntland oo banaanbax ka hordhigay Baarlamaanka Puntland

Ilwareed Online

Suxufiyiinta ka hawlgala caasimadda Puntland ayaa banaanbax cabasho ah ka hordhigay baarlamaanka Puntland maanta oo Khamiis ah.

Suxufiyiinta ayaa ka cabanaya xarigga loo goystey jaalahooda Cumar Siciid Maxamed oo maalintii afaraad u xiran madaxtooyada Garoowe.

Cumar ayaan la horgeyn wax maxkamad ah, laguma eedeyn denbiga loo haysto, waxaana lagu hayaa xabsi gaar ah oo magaciisa loogu yeero iihay, kaas oo lagu haysto dadka aan la dooneyn in maxkamad la horgeeyo.

Suxufiyiinta ayaa sheegay in ay sharci darro tahay in muwaadin la iska hayo iyada oo dastuurka Puntland uu dhigaayo in aan qofna la xiri karin 48 saac ka badan haddii aysan maxkamadi xukumin. Xiliga Suxufiyiintu ay banaanbaxa cabashada ah ka hordhigeen baarlamaanka waxaa ka socdey ansixinta golaha wasiirada ee Puntland ee ay kalsoonida kala noqdeen bishii Luuliyo.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Weriyaasha Puntland oo banaanbax ka hordhigay Baarlamaanka Puntland appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author