Weerar Madaafiic ah oo Al-Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya isku weydaarsadeen Degmada Diinsoor.

Ilwareed Online

Wararka ka imaanaya Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Madaafiic ku garaaceen Degmadaasi, iyadoo wararka deegaankaasi ka imaanaya ay sheegayaan in Madaafiic ayaa ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Degamada Diinsoor ee Gobalka Bay.
Dadkam ku dhaqan Deegaanka Diinsoor ayaa warbaahinta u u sheegay in Madaafiic ay soo Tuureen Al-Shabaab ay ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay.


Caliyow Maxamed Ibraahim oo ah Abaanduulaha Ciidamada Xoogga ee Degmada Diinsoor ayaa sheegay in Shabaabka ay Madaafiic ku soo tuureen garoonka Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay.
Dhanka kale Sarkaalkaasi ayaa sheegay in Madaafiic ay Tuureen Ciidamada Itoobiya ay ku dileen dagaalyahano Shabaabka ka tirsan, mana jirto sidoo kale wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka K/Galbeed oo isagu deegaanadaasi ka arimaya.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Weerar Madaafiic ah oo Al-Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya isku weydaarsadeen Degmada Diinsoor. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author