Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Jubbaland oo ka horyimid Axmed Madoobe

Ilwareed Online

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa Maanta ka horyimid Go,aankii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ee ahaa in Magaalada Kismaayo uu ka furmayo Shir u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Gobolleedyada Dalka.

Wasiirada ka horyimid Shirka Magaalada Kismaayo ka furmaya waxaa ka mida Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan iyo Xildhibaanno ka badan 10,kuwaas oo  kabaxay Kismaayo una  duulay Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta Magaalada Kismaayo ku Guddoomiyay Shirkii Golaha wasiiradda Jubbaland  ayaa sheegay in Shirka u dhexeeya Maamul Gobolleedyada iyo Dowladda Dhexe ee Jubbaland ay Marti gelineyso uu Kismaayo ka furmi doono Axadda soo socota.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Jubbaland oo ka horyimid Axmed Madoobe appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author