Wasiirka Gaashaandhigga oo goordhow gaaray Deegaanka Laanta Buure ee G/Sh/Hoose

Wararka laga helaayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukumada Soomaaliya C/rashiid C/llahi Maxamed iyo Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku booqday Xerada laanta Buure ee Gobalka Sh/Hoose.

Wasiirka oo hadal u jeediyay Ciidamadii halkaasi ku sugnaa, isagoo u sheegay inuu dalka ku jiro xaalad dagaal oo ay xilli walba diyaar noqdaa inay duulaan qaadaan.

Dhanka kale madaxda la socotay Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Taliyaasha Milatariga iyo Xildhibaano wuxuuna u mahad celiyay Dhamaan Ciidanka XDS ee halkaasi ku sugan.

The post Wasiirka Gaashaandhigga oo goordhow gaaray Deegaanka Laanta Buure ee G/Sh/Hoose appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author