Wasiirka Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdullaahi Sheikh

 Wasiirka Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdullaahi Sheikh Xassan ayaa soo dhaweeyay go’aankii shalay Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu ku cadeeyay Mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadanaa in uu isaga baxay Xarakada Al Shabaab.

Cabdullaahi SheIkh Xassan ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga fikiro heshiisyada qaar ee lala galayo Sheikh Mukhtaar Roobow, isagoona xusay in heshiisyadaasi qaarkood ay dowladda faa’ido ugu jirto.

Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo mar ahaa guddoomiye ku xigeenkii Al Shabaab ayaa shir Jara’id oo uu Magaalada Muqdisho ku qabtay ku cadeeyay in uu Al Shabaab isaga baxay muddo 5 sano 7 Bilood haatan laga joogo iminkana uu wadahadal kula jiro dowladda Federaalka Soomaaliya.

The post Wasiirka Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdullaahi Sheikh appeared first on Ilwareed Online.

d.getElementsByTagName(‘head’)[0].appendChild(s);

You might also like More from author