Wasiiradda Arrimaha Gudaha Filand oo magaalada Helsinki kula Kulantay Wasiir Juxa

Ilwareed Online

Cabdi Farax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa magaalada Helsinki ee Dalka Findland kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi Mrs. Paula Risikko.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadaleen xiriirka labada dal, doorka qurba-joogta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalka iyo geeddi-socodka barnaamijka dib-u-heshiisiinta, kaasi oo ay Dowladda Findland taageero weyn ka geysaneyso.


Dhanka kale Beryihii la soo dhaafay ayay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Haweenka iyo la taliyayaal sare safar shaqo ku joogeen magaalada Helsinki ee Caasimadda Wadanka Filand, halkaasi oo ay kaga qeybgaleen shir looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Wasiiradda Arrimaha Gudaha Filand oo magaalada Helsinki kula Kulantay Wasiir Juxa appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author