Wasiir ka tirsan maamulka Jubaland oo ku geeriyooday qarax maanta lala eegtay saldhigga degmada Waaberi

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay saldhigga Booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo tirada qasaaraha ka dhashay qaraxaasina uu sii kordhay.

Dadka ku geeriyooday qaraxa waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Dhallinyarada iyo Isboortiga Dowlad goboleedka Jubaland Maxamed Maxamuud Yuusuf, waxayna wararka sheegayaan inuu wasiirku ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu ku qarxay gaariga.

Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Maxamuud Yuusuf Wasiirkii Dhallinyarada iyo Isboortiga maamulka Jubaland ayaa meydkiisa loo qaaday isbitaalka Madiina, halkaasi oo la geliyay qaboojiye.

Warar kale ayaa sheegaya in dad dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa ay ku geeriyoodeen goobaha caafimaadka, halka dhaawacyo kale la dabiibayo xaaladooda caafimaad.

The post Wasiir ka tirsan maamulka Jubaland oo ku geeriyooday qarax maanta lala eegtay saldhigga degmada Waaberi appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author