Wasaaradda A. Dibadda Somalia oo ku amartay Danjirihii Imaaraadka Carabta inuu xilka wareejiyo

#Ilwareed Online – #

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amartay Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey inuu xilka wareejiyay, kaddib is bedel lagu sameeyay.

Warqadan oo ku taariikheysneyd 24-kii bishii hore ee October ayaa ka mid aheyd warqado loo kala diray Safiirada illaa 8 dal oo dhowaan la bedelay, hase ahaatee qaarkood la sheegay inay ku gacan seyreen is bedelka.

Danjire C/qaadir Shiikhey ayaa ka dhega adeegay inuu dalka yimaado, kaddib markii ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku wargelisay Danjire C/qaadir Shiikhey inuu xilka ku wareejiyo Axmed Dahir Maxamed oo noqon doona Siihayaha Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta.

C/qaadir Shiikhey ayaa ka mid ahaa Danjirayaasha ugu cimriga dheeraa oo muddo 10 sano ka badan ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta, waxaana dowladdihii hore ay ku fashilmeen inay bedelaan Danjirahan oo ka mid ahaa Danjirayaasha ugu awooda badan, gacan saar dhowna la lahaa Imaaraadka Carabta.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : #ilwareedonline

The post Wasaaradda A. Dibadda Somalia oo ku amartay Danjirihii Imaaraadka Carabta inuu xilka wareejiyo appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author