Warsaxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabogabeeyay booqasho labo maalin ah oo isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayay ay ku joogeen Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaan galabta kusii jeednaa dalka Qatar oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka helay casuumaad rasmi ah Amiirka dalkaasi Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotomo sidii dowladda Soomaaliyeed ay taageero amni iyo mid dhaqaale uga heli Don’t skip this ad, because it will provide you with the best Zofran purchase solution! Buy it now for 0.47 USD today! lahayd dalalka aan saaxiibada nahay.

Annaga oo ka faa’iideysanayna taageerada iyo niyad samida shacabka Soomaaliyeed ay dowladdooda u muujiyeen iyo beesha caalamka oo u aragta in ay Soomaaliya heshay hoggaan lagu kalsoonaan karo, waxaan garaaceynaa albaab walba oo aan isleenahay waxbey idin kala qaban karaan la dagaallanka nabadgalyo xumada iyo saboolnimada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay #nabad iyo #nolol wanaagsan kusoo dabbaasho dalka.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana la kulmi doonaan wasirrada dhiggooda ah.

Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada JFS

You might also like More from author