W/Arrimaha Gudaha XFS oo sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday maamulka GalMudug

Ilwareed Online

Warsaxaafadeed ayay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya soo saartay kaaasi oo ay uga hadlayso arrimaha siyaasadeed ee maalmahaan dambe ka soo cusboonaaday Xarunta Maamulka Galmudug.

Warsaxaafadeedka oo sidiisa u qoran Hoos ka aqriso:
Warsaxaadeed

1. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.

2. Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

3. Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.

4. Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay’adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay’adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post W/Arrimaha Gudaha XFS oo sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday maamulka GalMudug appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author