Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha ee loogu yeeray Cumar Faaruuq oo sharci darro lagu tilmaamay (Akhriso)

Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa war culus ka soo saaray warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud taasi oo loogu yeeray Cumar Faaruuq Cusmaan Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta NUSOJ.

Qoraal kooban oo uu Wasiir Xoosh soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dastuurka uu u fasaxayo muwaadinka Soomaaliyeed inuu qabsan karo shir, isla markaana ay ku cadahay qodobada kala ah: 16aad, 20aad,, 23aad, 24aad siiba farqadiisa 2baad oo kullii kasoo horjeedo waxa dacwaddaan ku Qoran.

“Ma Dowlad wanaag baan rabnaa, mise fowda iyo Musuq?” ayuu isweydiiyay Wasiirka Dastuurka oo ku booriyay hay’adaha cadaaladda inay ilaaliyaan sharafta muwaadinka Soomaaliyeed isla markaana ay sharciga u hoggaansamaan.

The post Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha ee loogu yeeray Cumar Faaruuq oo sharci darro lagu tilmaamay (Akhriso) appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author